Sidee u suurtagashay in hal nin uu dilo saddex madaxweyne, muddo saddex sanadood gudahood ah? (WQ: Prof. Osman Abokor Dubbe)

Sidee u suurtagashay in hal nin uu dilo saddex madaxweyne, muddo saddex sanadood gudahood ah?

(Nin aan shalay wixii dhacay waxba ka ogeyni, waxa maanta jira waxba kama fahmi karo)

Marka fawdo dhacdo, madaxdu is qab-qabsato, sharciga iyo kala dambayntuna lunto, dabcan wax kastaa waa suurtagal.

Haddaba yaa dilay 3dii Madaxweyne ee Ethiopia sanadihii u dhexeeyey 1974-77.

Sanadahaas todobaatanaadkii siyaasadda Ethiopia waxay ahayd mid jaah-wareersan, halka ta Soomaaliduna ka ahayd mid laandheere ah, oo xasiloon. Addis Ababa Soomaalida waxa u fadhiyey Ambassador Abdirahman Tuur oo xirfaddiisa Diblamaasiyadda awgeed lagu tilmaami jirey Kissinger-kii Soomaalida. Haddaba sida ku cad xogaha taariikhda, arimahan anfariirka ah ee sanadahaas ka dhacayey qasriga Menelik ee Gobolka Shawa waxay kow ka ahaayeen sababihii soo dedejiyey dagaalkii 1977kii ee Soomaaliya iyo Ethiopia. Iyo mashaakilaadkii ka dambeeyey ee dhacay intaas kaddib.

Haddaba inaga oo soo koobeyna aan eegno bal sidii wax u dheceen: Horta, ma suurtageli kartaa in hal nin! saddex sano gudahood dili karo saddex madaxweyne?

Jawaabtii waa tan:

Dhacdada Koowaad:
15kii November 1974 General Aman Andom oo ahaa Madaxii ugu sarreeyey dalka iyo Hoggaamiyihii Golaha sare ee kacaanka Ethiopia (Derg) wuxu diiday in laโ€™ laayo madaxdii boqortooyada (Imperial Aristocrats) ee xabsiyada ku jirtay, in laโ€™ weeraro Eritrea iyo weliba tirada badan ee golaha towradda oo ka koobnaa 120 sarkaal oo ururis ah, isaga oo rabay in lagu soo koobo 14 sarkaal oo aqoon leh. Janaraalku markii laga xoog batay wuu is casilay, waxaana hadaladiisii ugu dambeeyey kahor inta aanu is casilin kamid ahaa; anigu noqon maayo maxlal lagu fuulo kursiga sida Maxamed Najiibkii Masar. Isaga oo rabay in uu noqdo aabaha kacaanka sida Maxamed Siyaadkii Soomaaliya. Galabnimadaas 15kii bisha wuxu qaylo-dhaan u dirtay saraakiishii qaybtii 3aad ee bariga Dalka ee fadhiyey Herer iyo Wardheer. Mengistu Haile Mariam oo laftiisu ka tirsanaan jirey Qaybtaas 3aad wuxu helay xogtaas. Kaddib ciidamo uu wato Kornayl Daniel Asfaw ayaa isla galabtiiba hareereeyey madaxweynaha. General Aman inkasta oo uu is difaacay haddana waa laga xoog-batay, waxana la dilay isla maqribkii. Sida uu Fikre Selassie oo goob-joog ahaa ka sheekeeyeyโ€™ markii Kornayl Daniel Asfaw uu dhegta u saaray Col. Mengiste in gurigii Madaxweyne Aman uu Kaare jiidhsiiyey, Mengiste Haile Mariam aad buu u dhoolla-caddeeyey. Radio Ethiopiaโ€™se wuxu subaxdii dadweynaha u sheegay in Guddoomiyihii Golaha sare ee Kacaanku uu is dilay.

Dhacdada Labaad:
Sida uu Tadesse Tele Salvano ku qoray buuggiisii Ay Massawa! ee soo baxay 2013kii, Haile Selassie waxa qasrigiisii weynaa ka soo saaray koox askar ah oo uu watay Kornayl Daniel Asfaw, wuxu ku qaaday baabuur yar oo laba daaqadood oo keli ah leh oo Volks Wagen ah, waxa Boqorkii muddo lagu hayey qol gaar ah oo ku dhex yaal xerada ciidanka ee Qaybta 4aad. Qoraagu wuxu xaqiijiyey in dilkii Boqor Haile Selassie uu gacantiisa ku fuliyey Col. Daniel Asfaw 27kii August 1975. Waxaana uu Daniel Asfaw halkaa ku soo afjaray boqortooyadii Abyssinia ee jirtay 3000 ee sanadood. Subaxdii 28ka August Idaacada Dowladda waxa laga sii daayey warka geerida boqorkii isugu yeedhi jirey โ€˜Kii Ilaahay Doortayโ€™, iyada oo lagu sheegay in Boqorku u dhintay neefta oo qabatay ama habdhiska neefsashada oo hawl-gabay(Respiratory Failure).

Dhacdada Saddexaad
3dii February 1977kii waxa laga war-helay shir siyaasadeed oo ay wada qaateen madaxweynihii Dowladda ahaana Guddoomiyihii Golaha Sare ee Kacaanka General Tafari Benti iyo qaar kamid ah Xisbigii hatiwadaaga ee EPRP (ihaaba). Arrintaasi waxay dhibtay saraakiishii kale ee Dhergiga oo Mengistu hoggaaminayey. Kaddib Madaxweynihii iyo 7 sarkaal oo la jooga ayaa isweer laga qabtay oo laโ€™ xidhay, waxaana la isugu geeyey Geerash madow oo ku yaalla aqal madow. Daqiiqado kaddib hoggaamiyihii kacaanka ahna madaxweynihii dalka General Tafari Benti ayaa halkaa waxa ku toogtay Col. Daniel Asfaw oo ahaa ninkii soo dilay labadii madaxweyne ee hore. Mashaqadaas waxa ka badbaaday Col. Fikre Selassie oo daqiiqaddii ugu dambeeyey laโ€™ badbaadiyey, lagana soo dhex saaray xubnihii la tooganey. Waxa badbaadiyey saaxiibkiisii dilaaga ahaa ee Kornayl Daniel Asfaw. Ato Fikre Selassie wuxu sanadkii 1987kii noqday Prime Minister. 2014 markii xabsiga laga soo daayeyna wuxu qoray buuggiisa โ€˜Annaga iyo Kacaankiiโ€™.

Haddaba, sida laga soo minguuriyey Kutubtii Anbiyadii hore: โ€˜Man akhada sayf halaka sayfโ€™ (qofka seef qaata seef uun baa dishaโ€™e), Isla galabnimadaas 3dii February waxa laโ€™ dilay ninkii isagu madaxda dili jirey ee Col. Daniel Asfaw oo ahaa madaxii Amniga ee dowladda iyo saaxiibkii koowaad ee Mengistu. Waxa kale oo lala dilay Leninkii madoobaa ee Ethiopia Dr Senay Likke oo ahaa maskaxdii hal abuurtay shuuciyadda Ethiopia.

Sidaas ayuu Kornayl Daniel Asfaw isaga oo fulinaya dardaarankii ahaa: To be the king, you must strike the king, when you strike at the king, you must kill the king, ku noqday dilaagii saddexda madaxweyne, inkasta oo aanu isna waxba ka dambayn oo laโ€™ dilay.

Sawirka sare waa saddexdii Madaxweyne ee kala dambeeyey ka bilow bidix: waa Mengistu Haile Mariam, Gen. Aman Andam iyo Gen. Tafari Benti.

Xog iyo Taariikh
WQ: Prof. Osman Abokor Dubbe