Ciidanka Booliska JSL, ayaa bulshada faray inay fogaadaan waxyaabaha naftooda halis gelin kara, maadama lagu jiro xilli roobaad.

Ciidanka boolisku sidoo kale waxa ay fariin u direen wadayaasha gaadiidka oo ay ka codsadeen inay dhimaan xawaaraha gaadiidka, isla markaana ay qaataan amarada ciidanka nabadgelyadda waddooyinka JSL.

Geesta kale waxa ay bulshada ku wargeliyeen inay soo garaacaan telefoonka Gaban ee ciidanka haddii ay la kulmaan wax dhibaato ah, inta lagu jiro xilli roobaadka.

War ka soo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland oo soo gaadhay Bandhige  ayaa u dhignaa sidan.

Sidaad la socotaan waxa lagu jiraa xilli roobaad, iyadoo la sadaalinaayo roobab badan oo sababi kara waxyeellooyin, waa in laga taxadaro.

Haddaba waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan bulshaweynta JSL, ee ku nool gobollada, degmooyinka, xeebaha iyo miyigaba in ay ka fogaadaan goobaha Dooxyada, Laagaha, Biraha laydhka iyo guud ahaan meelaha Biyo-mareennada ah.

Sidoo kale waxaannu faraynaa wadayaasha Gaaddiidka in ay taxadar badan muujiyaan xawaaraha gaaddiidkana dhimaan, iyagoo qadanaaya awaamiirta Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ( Traffic).

Waxaanu sidoo kale la wadaagaynaa bulshaweynta Somaliland in ciidanku heegan ugu jiraan, soona garacaan numberka gaaban Ciidanka Booliska ee 999 /520175