Shir lagaga hadlayey Mashaariicda Beeraha, Xoolaha Iyo Deegaanka oo Burco lagu Qabtay.

Shirkan oo lagaga hadlayay mashaariicda la xidhiidha beeraha, xoolaha iyo deegaanka, ayaa ka qabsoomay xafiiska Isu-duwaha Wasaaradda horumarinta beeraha ee gobolka Togdheer.

Shirkan waxaa isugu yimid Isu-duwayaasha wasaaradaha beeraha Cabdirisaaq Cabdilaahi Ibraahim, deegaanka Siciid Haybe Caydiid iyo xoolaha Sayid-cali Rashiid Maxmed, waxaana kulankooda ku wehelinayey khuburro ka kala socday Hay’adaha FAO iyo WFP.

Kulanka ayaa wasaaradaha iyo Hay’aduhu kaga wada-hadleen sidii loo horumarin lahaa mashaariicda Beeraha, Xoolaha iyo deegaanka ee gobolka Togdheer.

Sidoo kale, waxay Isu-duweyaashu soo jeediyeen in wax lagala qabto saddexdan qaybood iyo sidii loo horumarin lahaa, iyagoo intaa ku daray soona jeediyey mashaariicda muhiim u ah gobolka oo xuseen inay tahay laga fuliyo gobolka Togdheer.

Gaba-gabadii khuburada ka socotay labadan Hay’adood ee FAO iyo WFP iyo sidoo kale saddexda Isku-duwe ayaa ku soo dhamaaday is fahan iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Mashaariicda horumarinta Beeraha, Xoolaha iyo Deegaanka ee gobolka Togdheer la qorshaynayo in laga fuliyo sanadkan soo socda 2024, haddii Alle yidhaahdo.

2