Faallo: Dilka Taliyihii ugu sareeyey ciidanka dalka Iran Qassem Solemani

Ma lagayaabaa in ay keentay isku day uu Donld Trump isku dayeyo in xil-ka -xayuubintii ku socotay uu dib ugu dhigayo ama is lee yahay meesha kaga saara, oo uu xaalad adag abuuranayo, sidii uu madaxweynihii Bill Clinton sanadkii 1998-kii markii xil-ka xayuubin (impeachment) lagu waday uu dalka Iraaq u weeraray?

Doofaar abidkii ma daahiro – Madaxda Maraykan waxkastoo ay dadkooga iskaga jeedin karaan ayaa la sheegay in ay sameeyaan, haddii aan lagu fahmayn.

Sidoo kale aragti kale ayaa jirta in dilka Qassem Selemani uu noqon karo mid dawlada Israel ay raad ku leedahay, Maraykana uu u xil-qaadayo ficilkan oo khatar ku keeni kara sheegashadiisa dalka Israel.

Dilka Qassem Solemani waxa aamusnaan ugu dabaaldagaya boqortooyada Sucuudiga, Imaaraadka iyo xulifadooda Gacanka Carbeed.

Hase ahaatee waxa uu abuurayaa dilkani walaac hor leh oo dunida Reer Galbeedka iyo wadamada Gacanka. sida nooca uu noqon doono aargudashada Iram ay sheegtay iyo in dagaal weyni holco.

Iran waxa la sheegaa in 80 kun oo maleeshiyaad ahi si dadban u hoos yimaadaan, kuwaas oo jooga Iraq, Suuriya, Lubnaan, Yemen iyo Afganstan. Tiradan waxa ay awood Iran u siinaysaa in ay adeegsato weeraro dadbadn oo ay ku eekaysiiso goobaha u muhiimka ah dalka Maraykanka, sida Iraq iwm.

Dilka Qassem Solemani waa mid si cad uga soo horjeeda xeerarka Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, laakiin Maraykan uma joojiyo markay noqoto danahooda.

Xaalada cusub ee Bariga Dhexe waa mid walaaceeda leh.Waxa aynu eegnaa jawaabta Iraan

WQ: Abdillahi M. Ali