Xorriyadda Hadalka iyo Somaliland (WQ: Axmed Cabdi Adam)

Qoraal samee, ismaan lahayn balse, waxa isoo kiciyey markii aan baraha bulshada ku arkay “beesha uu kasoo jeedo Faysal C. waraabe oo kulan ay kaga arrinsanayaan xadhiga lala damacsanyahan Guddoomiye Faysal ku yeeshay Hargaysa”.

Arrinkaasi waxa uu abuurayaa laba xaaladood:  Nidaamkii lebeebka ahaa ee Somaliland kusoo caano maashay in laga xuubsiibtay oo hada qabiilku yahay gaboodka kaliya ee aad kaga dhuuman karaysid Muuse Biixi.  Qodobka labaad ayaa noqonaya dhaawac gaadhay tiir Somaliland lagu majiiran jiray, kaas oo ahaa “xoriyadda fikirka”.

Cabudhinta shacabka Aniga oo ka duulaya, waxa aan baadhitaan ku sameeyey bartii ay taagneyd Somaliland Madaxweyne Biixi hortii, waxaana isoo baxay sidatan:

Dhammaadkii 2017 (Biixi Hortiis) waxa Hargeysa ka soo bixi jiray 16 Wargeys oo kala ah: Jamhuuriya, Ogaal, Yool, Waaheen, Warsugan, Saxansaxo, Saxafi, Hubaal, Geeska, Himilo, Foore, SomalilandToday, Dawan, Waaberi, Sahan iyo Xogogaal.

Laba sanno kadib albaabada waxa loo xidhay 9 wargeys. Maanta Hargeysa waxa ka soo baxa lix wargeys oo kala ah: Hubaal, Jamhuuriya, Geeska, Dawan, Saxafi iyo Foore oo 18 bilood markii uu xayirnaa dhowaan loo ogolaaday in uu qalinka qafiifiyo.

Hubaal oo ahaa wargeys mucaarad ah oo aad u af dheer waagii Siilaanyo, waxa mulkiile ka ah Maxamed Axmed Caloolay. Markii Muuse talada qabtay ayuu Guribarwaaqo u magacaabay Caloolay, maareeyaha wargeyska dawladda ee Dawan.  Mr.  Caloolay hada waxa uu isku maamulaa Hubaal oo uu isagu si gaar ah u leeyahay iyo Dawan oo ah wargayskii dawlada ee hore loo odhan jiray Maandeeq.

Marka laga reebo wargeyska Geeska oo isagu madbacad gaar ah leh, shanta wargeys ee kale ee Hargeysa ka soo baxa, waxa lagu daabacaa madbacadda wargeyska dawladda ee Dawan.  Geeska iyo Foore ayaa ah jaraa’id madax banaan walow Foore haysto digniin.

Waxa hore loo xidhay Eryal iyo Horyaal oo maalmo xidhnaa.  HadhwanaagNews ayaan ogaa oo xayiraad saarantahay. Waxa la xidhay weriyeyaal door ah, illaa hadana waxa xabsiga ku jira tifaftirihii HCTV Cabdiqaadir Coday.  Boqollaal qof oo kale ayaa loo xidhay rayigooda oo ay Facebook ku qoreen.  Weriyeyaasha iyo dadka u dhashay Somaliland ee la qaxay fikirkooga labadii sanno ee uu Muuse talada hayeye, laguma koobi karo tiro.

Waxa hore loo xidhay Afhayeenka Waddani Barkhad Batuun iyo Xog. Guud ee Waddani Khadar Cabdi. Waa markii u horraysay ee madax xisbi oo derajo caynkaas ah leh la xidho. Waxa xidhan Ramaax oo ah Xog. Arrimaha Gudaha UCID, warar hoose ayaa sheegeya masuulkani in uu u xidhan yahay qoyska madaxweynaha!

Dhacdooyinkaas dhammaantood waa ay ka qarsoon yihiin dadka tageersan Madaxweyne Muuse Biixi balse, hubaashii waa dhaawac laxaad leh oo gaadhaya Somaliland-nimada.  Mar kasta oo xorriyadda hadalka la isu dido, ogowbey waa marka ay meesha ka baxi doonto waddaniyaddu.

Madaxweynaha waxa aan leeyahay:  Muddane, dib ugu soo noqo ilbaxnimadii lagu yaqaanay Somaliland.

 

Wabillaahi Tawfiiq

Axmed Cabdi Adam

Nantes France