Hay’adda Y-PEER waxay Kulan Wacyi-galin ah Oo Ku Saabsan Cudurka HIV AIDSka ku qabtay Gobolka Awdal

Agaasimaha fulinta ee Hay’adda Waddaniga ah ee Y-PEER, Maamulka Jaamacada camuud, iyo ardayda Jaamacada ayaa ka qaybgalay kulan wacyi-gelin ah oo ay Hay’addaasi ku qabatay hoolka Shirarka ee Jaamacadda camuud ee Magaalada Boorama.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii da’yarta looga wacyi-gelin lahaa khatarta Xannuunnada fida ee uu kamd yahay H.I.V-gu, dhalinyarada ka barata Jaamacaduhuna uga qayb-qaadan lahaayeen wacyi-gelintaasi iyo in la helo xog uruurin ku saabsan fahamka bulshada la dhaqanka Dadka uu asiibay xannuunkaasi, ayaa intii uu socday waxa ay ka qaybgaleyaashu ku wadaageen fikrado kala duwan oo ku saabsan sida looga hortegi karo xanuunnada halista ah, loogana xakamayn karo bulshada iyo muhiimada ay leedahay ilaalinta xuquuqda dadka la nool.

Sidoo kale waxaa kulan lagu goorfeeyay sidii looga hortagi lahaa xanuunada lagu kala qaado galmada, iyo waliba xuquuqda ay leeyihiin dhalinyaradu.

Agaasimaha Hay’adda Y-peer Maxamed Mahad Dhamac oo kulankaasi ka hadlay ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey ujeeddada urur ahaan ay u soo agaasimeen kulankan iyo qorsheyaasha ku lamaan.

“Waa barnaamij  kamida ah barnaamijyada wacyi galinta ah we aan ka qabano jaamacada camuud, sidoo kale waxa aan doonaynaa in dhalinyaradu la yimaadaan fikrado hal abuur ah”

Nimco Cabdi Xasan Iskuduwaha xakamaynta HIVAIDS ee gobolka awdal, iyo xubno kamida Maamulka, macalimiinta iyo Ardayda wax ka barata jaamacadaasi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa siyaabo kala duwan u iftiimiyey muhiimada uu kulankani leeyahay iyo sida loogu baahan yahay in ay dhalinyaradu ka faa’idaysato oo ay uga amba-qaado sidii ay dadkooda uga wacyigelin lahaayeen cudurka halista badan.

Hay’adda Y-peer ayaa kamida Ururrada waddaniga ah ee doorka weyn ka qaata horumarinta iyo dhiiri-gelinta dhalinyarada hal abuurka leh iyo arrimaha kale ee samo-falka ah, waxaanay wada shaqayn kala leedahay Xafiisyada dawladda iyo Hay’addaha kale ee caalamiga ah.

Halkan ka Daawo Warbixin Muuqaal ah: