Isku day kufsi oo lagu eedaynayo musharaxa madaxweynaha Maraykanka ayaa sii xoogaysanaysa

Haweenayda la yidhaa Tara Reade ayaa ugu baaqday Jo Biden in uu ka hadho taranka madaxninada Maraykanka iyadoo ku eedaysay in uu u gaystay isku day kufsi markii ay xafiiskiisa ka shaqaynaysay sannadihii 1992 ilaa 1993 wakhtigaas oo uu ahaa senator ka tirsan aqalka odayaasha ee Maraykanka.

“Jo Biden, innagu waynu is garanaynaa. Uma qalantid in aad Maraykanka Madaxweyne ka noqoto. Isaga hadh tartanka doorashada” sidaa waxa tidhi Tera oo u waramaysay telefishanka caalamka ah ee BBC.

Tera waxay sheegtay in maalin ka mid ah maalmihii at xagiiskiisa ka shaqaynaysay uu gidaar ku tiiriyey, kadiba haaf gaaban oo ay xidhnayd uu gacanta hosts ka soo galieyey isla markaana uu taabtay xubinteeda taranka isagoo aan ogolaanshiiyo waydiisan, sidoo kalena uu isku dayi in uu naasaheeda taabto.

“Markii aan ku idhi dib iiga joogto wuu xanaaqay, wuxuuna igu yidhi waxa la ii sheegay in aad i jeceshahay, maantase waxan ogaaday in aanad waxba ii ahayn. Xagayga waxba kama tihid ayuu igu yidhi” sidaa waxa tidhi Tera.

Hase ahaatee telefishanka CNN oo eedahaas wax ka weydiiyey Biden toddobaadkii hore ayaa gaadhaanka u daruuray wedayntaas, wuxuuna sheegay in ay tahay been cad oo siyaasadi ka dambaysayso.

“Rubuc qarni ka badan ayaa ka soo wareegtay wakhtigan ay sheegayo, haddii aan wax khaldan ku sameeyey maxay hore ugu sheegan wayday” ayuu yidhi Biden.

Intii la waraysanayey Tara Reade waxa la weyidiiyey in ay diyaar u tahay in lagu xidho qaranka beenta sheega.

“Mishiinka beenta sheega maxaa kaligay la iigu xidhayaa we aniga la ii tuhmayaa, haddii aniga iyo Biden nalagu wada xidhayo diyaar baan u ahay, laakiin kaligay in la igu xidhaa sax maaha” ayay tidhi Tara.

Sanadihii ugu dambeeyey waxa soo badanaya haweenka rag ay hore ula soo shaqeeyeen ana aqoon hore isku lahaayeen ku eedaynaya in ay fara xumeeyeen ama xumaan dhinaca jinsiga ah kula Karen, eedaymahaas oo ka mid ah dhaqdhaqaaqa loo yaqaan MeToo we ay dumarku xuquuqdooda ku raadiyaan.