Afrika: Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa ka digtay in 190,000 oo qof ay u dhiman karaan Fayraska Covid-19 Sanad gudihii

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka digaya in illaa 190,000 oo qof ay u dhiman karaan fayraska Covid-19 sanad gudihii  haddii tallaabooyinka xakamaynta ee muhiimka ah lagu guuldaraysto.

Guud ahaan qaaradda Afrika oo dhan in ka badan 2,000 oo cudurka coronavirus ah ayaa laga diiwaangeliyay Xarunta Afrika ee Xakamaynta Cudurrada.

Xarunta Afrika ee Xakamaynta Cudurrada (frica’s Centre for Disease Control) Waxa ay diwaangaliyeen in kabadan 2,000 oo fayraska Covid-19 ah.

Koonfur Afrika ayaa ah dalka ugu kiisaska badan qaarada iyagoo gaadhaya 8,200 kiis, halka dhimashaduna tahay 160 qof. Aljeeriya ayaa ah dalka ugu dhimashada badan, waxaa u dhintay 483 qof.

“Covid-19 wuxuu Noqon karaa mid saamayn xoogan ku yeesha nolosheena dhowrka sano ee soo socda haddii aan laga gaarin wax qabad hor leh oo dowlado badan oo gobolka ah ay qaadaan,” ayuu yidhi Dr Moeti bayaanka oo ka tirsan WHO.

 

Bandhige@gmail.com