Kenya waxay soo magacawday qusulka iyo shaqaalaha xafiiska diblomaasiyadeed ee ay Somaliland ka furatay

Dawladda Kenya ayaa markii koowaad ka furatay xafiis hawlaha diblomaasiyadda iyo ganacsiga qaabilsan magaalada Hargeysa. Waxayna soo magacawday wakiilkeeda Somaliland oo la yidhaa Benson Mwaliko.

Sidoo kale kale waxay soo magacawday ku-xigeenka Qusulka iyo laba xubnood oo kale oo ka tirsan shaqaalaha qunsuliyadda.

Arrintani waxay guul u tahay siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland iyadoo ay Soomaaliya geed dheer iyo mid gaabanba u fuusho sidii ay u fashilin lahayd xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland.

Hoos ka akhristo magacaabista dawladda Kenya samaysay iyo doorarka la kala siiyey afarta diblomaasi ee la soo magacaabay.