Kulan lagaga tashanayay ururinta agabka iyo taariikhda la dhigi doono Hoyga Taariikhda Qaranka oo ka furmay Hargaysa

Kulan lagaga tashanayey sidii loo soo ururin lagaa agabka iyo taariikhda la dhigi doono Hoyga Taariikhda Qaranka ayaa maanta ka furmay Hotel Guuleed.

 

Kulanka oo ay iskugu yimaadeen Taariikhyahanno, Dhaqan-yaqaano iyo Aqoonyahan kale ayaa lagu lafaguray meesha laga heli karo agabka taariikhiga ah, sida loo heli karo iyo cidda heli karta.

 

Dhismaha Hoyga Taariikhda Qaranka ayaa la qorshaynaya in uu dhamaado kal danbe haddii Alla Yidhaa, xilligaasi oo si rasmi ah loo furi doono.

Bandhige@gmail.com