Wasaaradda Gaadiidka Somaliland oo raaligelin ka bixisay qoraallo lagu baahiyay Boga wasaaradda iyadoo tallaabo laga qaaday cidii masuuliyadaas lahayd

Wasaaradda Gaadiidka Somaliland oo raaligelin la bixisay qoraallo lagu baahiyay Boga wasaaradda iyadoo tallaabo laga qaaday cidii masuuliyadaas lahayd

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda horrumarinta jidadka Somaliland Cumar Sayid Cabdilahi Aden oo qoraal uu Facebook-ga ku baahiyay ku sheegay in tallaabo laga qaadayo qofkii masuulka ka ahaa bogaga wasaaradda oo lagu baahiyay qoraalo bulshadu dhibsatay.

 

Qoraalka agaasimaha ayaa u dhignaa sidan:

 

“Raali galin:

 

Waxaan halkan ka raali galinaynaa Shacbiga JSL, guud ahaan cidii dhibsatay laba qoraal oo kala dambeeyay oo lagu baahiyay Wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadku  barta ay ku leedahay facebook.

 

Wasaaradu waxay talaabo ka qaaday cidii masuuliyadaas lahayd.”