Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa ogolaaday in la siidaayo 400 maxbuus oo Taliban ah

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa ogolaaday in la siidaayo 400 maxbuus oo Taliban ah kadib markii shir weyne Afqanistaan โ€‹โ€‹oo loo yaqaanay Loya Jirga, uu meel mariyey qaraar si loo ansixiyo.

Go’aanka lagu soo jeedinayo sii deynta maxaabiista ayaa la meel mariyey Axaddii dhamaadka saddex maalmood ee Loya Jirga, kulan dhaqameed reer Afgaanistaan โ€‹โ€‹ah oo ka kooban odayaasha qabaa’ilka iyo daneeyayaasha kale ee la qabtay si go’aan looga gaaro arrimaha muhiimka ah. Masiirka maxaabiista ayaa caqabado muhiim ah ku ahaa bilowga wadahadalada nabadeed ee labada dhinac.

Dowladda Afghanistan ayaa siidaayay ku dhawaad โ€‹โ€‹dhamaan maxaabiistii Talibaan ee liisaska ku jirtay, laakiin mas’uuliyiinta ayaa ku gacan seydhay sii deynta 400 ee ugu dambeysay.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa jimcihii dabada ka riixayay sii deynta maxaabiista.

Bandhige@gmail.com