Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Weftigii uu Hoggaaminayey oo dib ugu soo laabtay Caasimadda Hargeysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalmahanba safar shaqo ugu maqnaa gobollada Awdal iyo Gabiley, ayaa galabta kusoo laabtay caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa safar shaqo oo Afar maalmood qaatay oo ay ugu kuur-galayeen xaaladda gobollada  Gabiley iyo Awdal ku maqnaa,  waxana ay mormeer, xadhig-ka-jaris iyo indho-indhayn ku sameeyeen mashaariic kala duwan oo ay xukuumaddu deegaannadaas ka hirgelisay.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo ka hadlay soo noqoshada weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolada Awdal iyo Gabiley oo Galabta soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.