Muxuu ka dhigan yahay heshiiska maanta la saxeexay ee uu Ingiriisku kaga baxayo Midowga Yurub?

Ingiriiska iyo  Midawga Yurub ayaa maanta saxeexa ku duugay heshiis ay ku kala ambabaxayaan labada dhinac oo midaysnaayeen ku dhawaad 40 sanno. Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa labadooduba dabaaldageen iyagoo mid waliba sheegtay guul iyo gacan-sarrayn.

Heshiiskan oo wada-xaajoodkiisu socday afar sanno iyo dheeraad ayaa u muuqda in ay labada dhinac gaadheen waxa afka diblomaasiyadda lagu yidhaa “win-win solution” ama xal ay labada dhinacba ku qanci karaan.

Ra’iisal-Wasaaraha Ingiriiska ayaa dadkiisa u sheegay in Ingiriisku guul taagan yahay, isla markaana uu arrimaha maamulka dalkiisa iyo arrimahiisa dibedda xor u yahay isagoo aan wax weyn ku waayeyn ka bixidda Midowga Yurub.

Haweenayda Madaxweynaha u ah Komishanka Yurub Ursula von der Leyen ayaa iyaduna sheegtay in Midowga Yurub ay guul ka joogaan wad-xaajoodkii Ingiriisku kaga baxay Midowga Yurub.

“In kastoo aan ka xumahay in aynu maca-salaamaynay Ingiriiskii, haddana heshiiska ganacsiga ee aanu maanta wada-saxeexanay waa mid dan u ah dadweynaha Midowga Yurub” ayay tidhi Madaxweyne Ursula.

Ursula ayaa raacisay in xorriyadda dhabta ahi ay tahay in 27 dal oo suuq kali ah aad sida aad doonto uga ganacsato, iyadoo u duur-xulaysay Ingiriiska una sheegaysay in aanu heli doonin suuq la mid ah ka Midowga Yurub.

Madxaweynaha Komishanka Yurub, Ursula von der Leyen

Ingiriiska ayaa la oggolaaday in uu galaangal u yeesho suuqweynaha Yurub iyadoo aan tacriifaddii lagu kordhinayn, hase yeeshee waxa alaabtiisa lagu baadhi doonaa kastamada xuduudaha Yurub iyo Ingiriiska u dhaxeeya, taas oo aan markii hore jiri jirin. Waxyana taasi ka dhigan tahay in alaabaha Ingiriiska ka yimaadaa aanay dhakhso u gaadhin karin suuqyada Yurub caqabadan soo waajahaysa darteed. Sidoo kale waxa badanaya xafiisyada la marayo iyo waraaqaha la qorayo si alaabta Ingiriisku u gaadho Ingiriiska. Sidaa si la mid ah ayuu Ingiriiskuna ula dhaqmi doonaa Yurub.

Sidoo kale waxa joogsaday waxa 31-ka January joogsanaya isu-socodkii xorta ahaa ee labada dhinac u dhaxeeyey, taas oo macnaheedu tahay in muwaadiniinta Yurub ay Immigration-ka soo mari doonaa marka ay Ingiriiska galayaan, halkii ay awal iyagoo aan laanta socdaalka marin ay baasaboorkooda marin jireen mishiinnada xadka yaalla. Sidaas si la mid ah, dadka Ingiriisku marka ay tagayaan 27-ka waddan ee ay Yurub ka kooban tahay waxa loo baahan doonaa in ay laamaha socdaalka ee waddamada Yurub ay maraan halka berigii hore aanay mari jirin. Hase ahaatee labada dhinacba waxay ka baaqsadeen in ay fiiseyaal is weydiiyaan.

Arrimo muhiim ahaa ayaa go’aankooda dib loo dhigay. Waxa ka mid ah waxa uu noqonayo mustaqbalka bangiyada Ingiriiska oo beryihii hore si xor ah iyagoo aan wax caqabad ah la kulmin wax uga iibin jiray ingiriiska. Adeegyada maaliyadda ee ay bangiyada Ingiriisku bixiyaan waa qayb weyn oo ka mid ah dhaqaalaha Ingiriiska.

Sidoo kale, in kastoo la isla gartay xadka u dhaxeeya Ireland iyo Waqooyiga Ireland in uu noqdo mid aan adkayn, haddana faahfaahinta sida xadkaas looga dhaqmayo ayaa dib loo dhigay ka-wada-hadalkiisa. Xadkani wuxu muhiimad gaar ah u leeyahay Waqooyiga Ireland oo Ingiriiska ka tirsan, doonayana in uu mar walba xidhiidh bilaa caqabad ah la lahaado Jamhuuriyadda Ireland oo midowga ka tirsan laakiin labada dhinac ayaa labaduba ah dad isku mid ah oo Irish ah.

Geediga kala gurashada Ingiriiska iyo Yurub ee loo yaqaan Brexit ayaa bilaabmay bishii June 2016 kadib markii 52% dadweynaha Ingiriisku u codeeyaan in ay ka baxaan Midowga Yurub.

Tirada dadka ku nool Ingiriisku waa 60 milyan halka ay Midowga Yurub ku noolyihiin 450 Milyan. Waana sababta ay dadka qaar u rumaysan yihiin cidda furriinkan waxa uGu weyn ku waayeysaa in ay Ingiriiska tahay.

Dad badan oo danaynayey in wada-haddallada labada dhinac dhammaadaan sannadkan ayaa iyaguna niyad-xumo ka muujiyey markii ay ogaadeen in qodobbo in iyadoo aan qoddobo aasaasi ah wali la isla meel dhigin uu furriinku dhacayo.

Wararka caalamka kala soco Bandhige. Kala soo xidhidhiidh Bandhige@gmail.com