SOLJA oo Suxufiyiinta iyo Hay’addaha warbaahinta Somaliland ugu baaqday In aanay baahin wararka aan la hubin ee la xidhiidha xanuunadda faafa

War-saxaafaddeed: Farriin Caafimaad

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa dhamaan Suxufiyiinta Somaliland, Hay’addaha Warbaahinta iyo Baraha bulshada in aanay baahin wararka aan la hubin ee la xidhiidha xanuunadda faafa, iyadoon laga xaqiijin ama laga caddayn cida ay khusayso.

Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa dhamaan Suxufiyiinta Somaliland inay ilaaliyaan Bad-qabkooga Caafimaad, isla markaana goobaha ay ku shaqeeyaan kor u qaadaan Nadaafadooda, iyagoo dabaqaya Farriimaha Caafimaad ee la xidhiidha Caafimaad qabkooga.

Suxufiyiinta Somaliland iyo Hay’addaha Warbaahinta waxa loogu baaqayaa inay ka qayb qaataan Wacyigalinta Caafimaad ee bulshada, waanna inay culayska saaraan samaynta Barnaamijyo Caafimaad oo ay la kaashanayaan Dhakhaatiirta Aqoonta u leh.