Rabbi wuxuu darajo u siiyey dawladnimo dallalka Reer Galbeedka. Dunnida kale waa labbo uun: In nin halkan – Yurub iyo Ameerika – yimid uu darso sirta dal lagu dhiso dabadeedna uu dib ugu celiyo dhulkisii iyo nin baabacadiisa kaga dherga ceelka ay ka cabbeen galbeedku.
2005kii Aniga oo India jooga, ayaa aan go’aansaday in aan cagta galiyo galbeedka – ujeedkayga koobaad wuxuu ahaa in aan lafta jabiyo sirta kama kacdada ah ee sababtay Galbeedku in ay ku naalloodaan nolol darajo leh dunnida inta ay joogaan. Maanta oo 12 gu aan kusii siqayo joogistayda Galbeedka, waxa aan ogaaday xigmaddo door ah oo dal dhisidii aan looga maarmin, dawlad maamulkeed aan looga maarmin, hoggaamin umaddeed aan looga maarmin.
Maanta halkan sir baa aan idinkula waddaagayaa – weelleeya walaalayaal. 80kii sannaba hal mar buu Maraykanku qolof dhacsadaa baa aynnu niri qoraalkii kan ka horreeyey. Madaxweyne Lincoln wakhtigisii (four score and seven years) 87 jir ayuu ahaa Maraykanku. Ibraahim wakhtigisii dagaal sukeeye ayaa naafeeyey waddankaas. Maalin baas la isku hoobtay ayaa la isugu yimid qabuurrihii lagu aasi lahaa dadkii ku qudhbaxay dagaalkii sukeeye. Ibraahim baa madaxweyne ahaaye, waxa isaga u dheerraa wiil uu dhallay in uu ka dhintay – si bes ah.
Ibraahim hadalka kumuu qornayn maalinkaa – galbeedka qof walliba ma hadlo kulamada – nin hibo u lahaa fagaare ka hadalka, ayaa lahaa soo jeedinta. Wuunu hadlay – labba saac ayuu dadka waanninayey ninkaasi. Markii dambe ayuu Ibraahin fursad hellay – Ibraahin sida aad ka warqabtaan, wuxuu ahaa nin wax is barray – ma ahayn jaamici. Afar daqiiqo ayuu Ibraahin hadlay yoomkaas hayeeshee, afartaa daqiiqo wuxuu ka tegay qudbaddii ugu qiimaha badneyd galbeedka muddo labba kun oo sanno ah. Qudbaddiisa jumladdo ka mida waxa uu kasoo minguurriyey kitaabka Baybalka.
Hadalkaasi Maraykanku wuxuu u noqday shimbir oo waa ay ku kala bogsadeen; maalinkaa wixii ka dambeeyey dalkooda ayaa ay wada dhisteen. Qudbadaas waxa ka mid ahaa: Government of the people for the people by the people. Fahamka ayaa luul ahe, ereyadaas iyo hindisaha Ibraahin ragga weelleeyey, waxa ka mid ahaa aabihii dhalay dalka Shiinaha – Sun Ya-sen.
Nuxurku si aannu idinka lumin, aan soo urrurriyo qoraalka. Sun waxa dhalay (fikir ahaan) Ibraahim Lincoln iyo dhaqaale yahankii Henry George. Sun wuxu yidhi “dal saddex baa sees u ah: Madaxbannaanni, Dimuqraadiyad iyo deeq (welfare).
1: Dalku waa in uu ka madaxbannaan yahay faragellin shisheeye
2: Dalku waa in uu leeyahay doorasho, xorriyadda hadalka iyo talo loo dhan yahay.
3: Dalku waa in uu deeq iyo waxtar u leeyahay dadkiisa, sida: Jiddad, ceellal biyood, hoy, cunto, hu IWM.
Saddexdaa dhardhaar waa muhiim in la isla hello. Galbeedka uun baa laga hellaa saddexdaa xaajo. Galbeedka dimuqraadiyad waa ay ka jirtaa (qaybteeda wacan ku koobnow), galbeedka intiisa badan taladooda waa ay u madaxbannaan yihiin. Qodobka ugu qiimaha baddan waa “welfare” waana barta Afrika loogu taag waayey – Yurub baa laga hellaa.
Dal jiri maayo inta duumo xasuuqayso dadkiisa.