Wakaalada horumarinta waddooyinka Somaliland ayaa beenisay warar laga faafiyay Biriishka Cabaad-weyne.

Wakaalada horumarinta waddooyinku waxa ay sheegtay in wararka laga faafiyay ee la xidhiidha in daadadkii ka dhashay roobka Dayrtu ay qaadeen aanay waxba ka jirin.

Warka ka soo baxay wakaalada horumarinta waddooyinka oo soo gadhay wargeyska Dawan ayaa u dhigna sidan.:-

Maalmihii ugu dambeeyey tan iyo markii ay raxmaadka Eebbe sida weyn uga da’een gayigeena, waxa dad badan oo aan xaqiiqada Biriijka Cabaad-weyne waxba kala soconi Baraha Bulshada Wareejinayaan sawirro lagu sheegey in roobabku gooyeen Biriijkaasi.

Sawirrada aan halkan idinkula wadaagnay waxa ay muujinayaan ka hor intii aanay daaadku bilaaban oo Injineerrada gacanta ku haya dhismaha Biriijkani ay bannaynayaan si loo dhammays-tiro dhismaha Biriijkaasi Cabaadweyne, bannayntaasina ma aha kuwo daadad gooyeen ee waa bannayn ay samaysay shirkaddu.

Guddida Maamulka sare ee Madaxweynuhu Jidkan u magacaabay oo dhawaan Biriijka Cabaadweyne booqasho ku tagay waxa ay sheegeen in aanay jirin waxyeello cusub oo daadadku u gasteen Birijkan, go’itaanka ka muuqda Biriijkuna yahay bannayntii ay horeba u banneeyeen shirkadda dhismaha gacanta ku haysaa kuwaasi oo dib ugu noqosho ku samaynaya qaybaha Biyo mareenka ah ee biriishka, shaqadiisuna sidii u socoto.

Dhismaha Biriijyada iyo guud ahaan Jidka mashruuca Berbera Corridor waxa wali gacanta ku haysa shirkaddii qandaraaska dhismahaasi gacanta ku haysay walina Dawladdu kalama wareegin waxaanay ku leedahay kor-joogtayn, kormeer iyo dusha in ay kala socoto sida shaqadu u socoto iyada oo mar walba wixii soo kordha wada tashi laga leeyahay hawshaasina si wanaagsan u socoto.

Kuwani waa sawirrada muujinaya bannaynta ay shirkadda dhisaysaa gacanta ku haysay ee ay sameeyeen ka hor intii aanay roobabkuba bilaabmin mana aha waxyeelo cusub oo buriijka soo gaadhay.


4