Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jsl ayaa maanta deeq raashin ah gaadhsiisay 85 qoys oo danyar ah

Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland ayaa maanta deeq noocyada raashina gaadhsiisay 85 qoys oo danyaraha.

Qoysaskan ayaa hore ay wasaaradu u qiimaysay xaaladooda nololeed.

Wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Soomaliland Marwo Hinda jaamac xirsi Gaani ayaa maanta deeq raashina gaadhsiisay degmada axmed dhagax.

Wasaaradda ayaa in dhawaaleba ku hawlanayd caawinta dadka nugul qiimayn kadib.

Qoysaskan maanta ayaa laguso xushay siday u kala jilicsanaayeen amase duruuftu ugu kala adkayd.