Maalin ka mida maalmihii Cigaal (WQ: Ahmed Nour Guruje)

” Maalin ka mida maalmihii Cigaal ”.

Sanadkii 2000 ayaa aad looga cawday biyo yaraan soo foodsaartay magaaladda Hargaysa , iyadoo baryahaa magaaladda aan lagga aqoonin booyaddo dhaamiya , berkado la qoto iyo taangiyo guryaha lasaaro hasa yeeshee qasabado lagga cabo .

Wakaaladdii Biyaha oo berigaa hoos tegi jirtay Dawladda Hoose ayuu Cigaal u saaray guddi madaxbanaan oo xaaladeeda soo baadha , ka dibna gudidi markay baadhisteedii soo dhamaysatay ayuu Cigaal maamulkii Wakaaladda iyo gudidii isugu yeedhey Madaxtooyadda .

Gudidi waxay soo bandhigtay warbixin ay ku faahfaahisay in dakhliga wakaaladdu ka badan yahay kharashka loo baahan yahay , dabeeto Cigaal wuxuu bartii shaqada kaga wada eryey maamulkii wakaaladda Biyaha , dabeeto iyadoo hoolkii weli la fadhiyo ayuu soo galay xisaabiyihii wakaaladdu , markaasuu Cigaal yidhi , kana muxuu ahaa , markaasaa la yidhi waxaan ahay xisaabiyihii , markaasuu yidhi , adna raac .

Imika hadaan ahaan lahaa Madaxwayne muuse , dhakhtarka sidaas oo kale ayuun baan guddi ugu saari lahaa , dabeeto warbixinta ay ii keenaan ayuun baan go’aan degdega ku qaadan lahaa .