Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo la Kulmay Saraakiil ka Tirsan UNSOM

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Md./ Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Madaxa Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Hayโ€™adda UNSOM Mss Saaya Mawaaalla iyo sarkaal kale oo ka tirsan Hayโ€™adaas.

Kulanka waxa Wasiirka ku wehelinaysay madaxa Cilmi baadhista ย ee waaxda qorshaynta, ahna ku simaha agaasimaha qorshaynta marwo Raxma C/laahi Maygaag, waxana lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Hayโ€™adda UNSOM iyo ilaalinta xorriyadda Saxaafadda Somaliland.

Ugu danbayn masuuliyiintan ka socotay Hayโ€™adda UNSOM ayaa Wasiirka uga mahad celiyay soo dhawaynta, sidoo kalena ย ku bogaadiyay dardar-gelinta dhammaystirka xeerka Saxaafadda Somaliland.

Xigasho: SOLNA