Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jsl ayaa maanta soo gunaanaday shirka qorshe hawleedka wasaaradda ee sanadka 2020

Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland ayaa maanta soo gunaanaday shirka qorshe hawleedka wasaaradda ee sanadka 2020.

Qorshaha oo lagaso dheegtay qorshe hawleedka afarta sano ah ee wasaarada u yaalay Shirkaaso socday mudo saddex cisho ah.

Shirwaynaha qorshaha wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland ee sanadka 2020 ayaa maanta si rasmiya looso afmeeray isla markaana goaamo lagaso saaray.

Goaamada oo khuseeya hanaanka shaqo ee guud ahaamba wasaaradda.

Wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Soomaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa la dardaarmay guud ahaamba hawl wadeenada wasaarada isla markaana ilaahay uga baryay in alle ku guuleeyo isla markaana ay u hagar baxaan shaqada qaranka loo hayo.