Maalmo kamid ah maalmihii Axmed-Keyse (WQ: Cismaan A Dubbe)

Maalmo kamid ah maalmihii Axmed-Keyse

Waxa shalay Gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ku geeryooday Ilaahay ha u maxariistee Axmed-Keyse Xaaji Ducaale Cabdalle oo kamid ahaa Halgamayaashii Xoriyadda. Halkan waxan ku soo gudbinayaa dhawr qiso oo ku saabsan maalmihii Axmed-Keyse.

Qisada Koowaad: Sanadihii bilowgii kontomaadkii (1950s) ayaa Axmed Kayse mustacmarkii Ingiriis ee ka talinayey Somaliland ka dhigay Kaaliyaha Degmada Laascaanood. Degmada waxa Guddoomiye (DC) ka ah nin caddaan ah. Maalinkii dambe ayuu ninkii Ingiriis oo ahaa nin kibir badan oo isla weyni u awood sheegtay dadkii shicibka ahaa ee uu xukumayey, (weliba in uu Geelashii ka xareeyey baan u malaynayaa mase hubo), si kastaba ha ahaatee arrinkaasi waxa dhibsaday oo qaadan waayey Axmed-Keyse, haddii uu u caqli celiyey oo masaalaxo ku deyeyna ninkii Ingiriis waa ka diiday. Ficilkii tacaddiga ahaana ninkii Caddaa waa sii laba jibbaaray. Axmed-Keyse waa nin madax ah, waa Guddoomiye ku xigeen, waa sarkaal, wixiiba intuu meel iska dhigay ayuu budh soo qaatay oo ninkii DC ga ahaa tuu taagaba jebiyey oo meydnimo uga tegey. Waa markaa marka uu baxsanayo ee sanadaha badan dibad-meerka ahaanayo. Soo noqoshadiisii 1957-58kii ayuu abaabulayaa ururkii xornimo doonka ee SNL.

Qisada Labaad: Markii Xornimada la’qaatay wuxu noqday Wasiirka Beeraha Somalia. Laakiin mushkiladi waxay noqotay beerihii wax soo saarka lahaa oo dhan waxa haysta Talyaani. Soomaalidii dhulka lahaydna Beeraha Talyaaniga ayay shaqaale lagu shaqaysto ka yihiin. Waa markaa marka uu sidii Laascaanood oo kale Soomaalida la’ soo safanayo. Wareegto in Talyaanigu dhulka ku wareejiyo beeralayda Soomaaliyeed ayuu soo saarayaa, arrintaas oo abuuraysa xiisaddii ugu adkayd ee siyaasadeed. Maaddaama ay Baarlamaanka ku jireen xildhibaano Talyaani la’daaq ahaa ama ugu yaraan wada-shaqaysasho la’ lahaa shirkadaha Talyaaniga! arrinkii wuxu halis geliyey oo kalsoonida kuwaayi gaadhay xukuumaddii Cabdirashid Cali Sharmarke. Laakiin Axmed-Keyse wuxu helay taageeradii iyo jacaylkii beeralaydii Soomaaliyeed ee midiidinka laga dhigtay.

Qisada Saddexaad: Axmed-Keyse wuxu ahaa siyaasiga keli ah ee dib wax ugu soo celiyey degaankii laga soo doortay, isaga oo markii uu noqday Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Germany dagaal adag u galay sidii uu u dhismi lahaa Dugsiga Farsamada Gacanta Burco oo markii dambe noqday wershaddii soo saartay haldoorka badan.

Qisada Afraad: Sida xiligan siyaasiyiin iyo qorayaal Ethiopian iyo Kenyan ahi ugu fikiraan in dalalkoodu qaataan qaybo kamid ah dhulka iyo badda Soomaalida, halgamaa Axmed-Keyse Xaaji Ducaale wuxu ugu dambeeyey raggii iyaguna aaminsanaa in magaalada Herer oo Amxaaradu xoog ku qabsatay 1887kii ay noqoto magaalo Soomaaliyeed. Riyadaas oo uu la’dhintay iyada oo aan u rumoobin.

Ilaahay ha u naxariisto Halgamaa Axmed-Keyse Xaaji Ducaale

Waxa jira qisooyin Cajiib ah oo ku saabsan sidii uu u baxsaday 1954kii, iyo arimihii dhex maray Boqorkii Ethiopia ee Haile Selase iyo Ahmed Keyse sanadihii uu dibad-wareegga ahaa (exile) oo aynu dib ka soo qori doono.

 

WQ: Cismaan A Dubbe