Goobta: Berbera
Ka Qaybgalayaasha: Macalimiinta iyo Maamulka Dugsiga
Dugsiga Abu Huraira, oo uu asaase iyo Macalin ka yahay Mudane Macalin Cabdilaahi Muuse Qaalib, ayaa soo qabanqaabiyay safar dalxiis oo gaar ah oo ka dhacay magaalada xeebta ah ee Berbera. Ujeeddada safarkan ayaa ahayd:
In kor loo qaado wada shaqaynta iyo isdhexgalka bulshada macalimiinta iyo Maamulka.
In loo mahadceliyo macalimiinta kaalintooda muhiimka ah ee waxbaridda iyo hogaaminta jiilka soo koraya.
In lagu dhiirrigeliyo Macalimiinta wax barida iyagoo fursad u helaya madadaalo iyo wax dhigis furan.
Qaybaha Barnaamijka:
1. Maamuuska Macalinka: Waxaa lagu qabtay casho sharaf Dhalaaliye Hotel ( Abdaal) oo lagu bogaadinayay macalimiinta, gaar ahaan Mudane Macalin Cabdilaahi Muuse, oo si gaar ah loogu mahadceliyay Daacadnimada hogaaminta wanaagsan iyo dhiirrigelinta waxbarashada tayada leh ee dugsiga.
2. Dalxiiska Xeebta Berbera: Maamulka iyo macalimiinta ayaa fursad u helay inay ku raaxaystaan hawada xeebta iyo quruxda dabiiciga ah ee Berbera, iyagoo ka qaybgalay ciyaaro iyo barnaamijyo is-dhexgal ah.
3. Tababar Gaaban: Waxaa lagu qabtay bus ka dhexdiisa iyo Hotel Ubax ( Berbera) dood iyo tababar yar oo ku saabsan muhiimada shaqo kooxeedka iyo sida loo horumariyo hufnaanta waxbarashada dalka.
Guulaha Safarka:
1. Waxay xoojisay xidhiidhka iyo wada shaqaynta Maamulka iyo macalimiinta.
2. Waxay ahayd dhiirrigelin xooggan oo loogu talagalay macalimiinta si ay u sii wadaan dadaalkooda.
Mahadnaq:
Waxaan u mahadcelineynaa maamulka dugsiga, gaar ahaan Macalin Cabdilaahi Muuse, Maamule Ahmed Hassan Mohammed Abdiwahab Abdilahi iyo Abdiaziez qabanqaabiyeyaasha, iyo dhammaan ka qaybgalayaasha ka dhigay safarkan mid guuleystay. Waxaan rajaynaynaa barnaamijyo kale oo noocan oo kale ah mustaqbalka dhow.
#Dalxiis #MaamuuskaMacalinka #DugsigaAbuHuraira
Abdirahman Sameeco
Macalin Ka mid ah macalimiinta Dugsiga Abdilahi Muuse
Bandhige@gmail.com