Tariikhda Cunaqabataynta iyo Awoodaha Qaramada midoobay, midowga yurub iyo maraykanka (WQ: Mukhtaar Xasan Axmed)

Mabaadi’dii ka horeeyay Dagaalkii 1aad ee Adduunka ayaa qeexayey nidaamka isu-dheellitirka awoodda millatari ee qaramada iyo sida ay tahay in loo ilaaliyo si siman wada-jirka wadammada, laakiin mabaadi’daas ayaa markii dambe la beddelay si loo abuuro nidaam iskaashi oo caalami ah.  Soo bixitaankii  ururkii ka horeeyay qaramada midoobay ee la odhan jiray league of Nations sanadkii 1919 ayaa darawal weyn u ahaa hirgalinta nidaamkan cusub. Nidaamkani wuxuu noqon doonaa xoog weyn oo lagu xoojiyo awoodaha cunaqabateynta, waxaanu si weyn saameyn ugu leeyahay sida cunaqabateynta loo adeegsado maanta.  Nidaamkan waxaa lagu abuuray heshiis dhexmaray xubnaha ururka/dawladaha ku bahoobay league of nations si loo abuuro qaab lagu xaliyo khilaafaadka dhexdooda.  Cunaqabateyntii lagu soo rogay Mussolini ee Talyaaniga sanadkii 1935 waxay ahayd middii ugu horeysay ee ururku soo rogo, in kasta oo laga dhigay mid aan awood u lahayn kor u qaadidda awoodda militari ee Hitler.  Ka dib markii league of nations lagu bedelay Qaramada Midoobay 1945. Xayiraaduhu waxay noqdeen aalad loo adeegsado siyaasada arrimaha dibedda ee inta badan qarnigan 21aad loo adeegsado xaaladaha murannada iyo iska hor imaadyada colaadeed ee u dhexeeya waddamada.

Qaramada Midoobay (UN) waxay u isticmaashaa dhaqaalaha aalad lagu gaadho isbedel siyaasadeed.  Qaramada Midoobay waxay bilowday inay adeegsato cunaqabateyn si loo gaaro isbedel siyaasadeed ilaa 1966. Cunaqabateynta lagu soo rogo waddamada waxaa loogu talagalay in lagu xaliyo khilaafaad siyaasadeed, iskudheellitirka nukliyeerka, iyo la-dagaallanka argagixisada.  Cunaqabateyntan ayaa waxaa ka mid ah joojinta xiriirka dhaqaale iyo isgaarsiinta dowladaha.

Noocyada cunaqabateynta

Waxaa jira dhowr nooc oo cunaqabatayn ah.

1: Cunaqabateyn dhaqaale – caadiyan xayiraad ganacsiga, waxaa suurta gal ah in lagu xadido qeybaha qaarkood sida hubka, ama waxyaabo ka reeban ( cuntada iyo daawada) sida soo dejinta iyo / ama dhoofinta alaabada qaarkood, softiweerada iyo tikniyoolajiyadda lagu horumarinayo qalabka loo baahan yahay si loo horumariyi  gantaalada plastikada ama hubka nukliyeerka.

xayiraada amaahda iyo deynta dadka / shirkadaha qaarkood;

2:  Cunaqabateynta dibloomaasiyadeed – yareynta ama jaritaanka xidhiidhka diblomaasiyadeed, sida safaaradaha, sidookale xayiraadaha safarka iyo fiisaha (mamnuucida fiisaha) ee dadka qaar.

3: Cunaqabateynta Militariga – xayiraadda hubka/mamnuucida hubka, lebbiska difaaca, gawaarida militariga, iwm.

4: Cunaqabateynta isboorti – waxay ka hor istaagasaa hal qof ama kooxo ah inay u tartamaan/ka qayb galaan ciyaaraha caalamiga ah.

Waa maxay habka cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay?

Maaddaama ay tahay hay’adda ugu weyn ee maareynta masiibooyinka ee UN-ka, Golaha Amniga ayaa ka jawaaba khataraha caalamiga ah isagoo jaraya xidhiidhkii dhaqaale ee uu la lahaa gobolka iyo wadamada aan degganeyn nabad ahaan.  Go’aannada xayiraadda ayaa ah inay ansaxiyaan shan iyo tobanka xubnood ee golaha amaanku cod aqlabiyad ah oo aanu ku jirin codsi ka yimaada shanta xubnood ee joogtada ah: Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, iyo Boqortooyada Ingiriiska.  Noocyada ugu badan ee cunaqabataynta Qaramada Midoobay iyo dhammaan waddamada xubnaha ka ahi adeegsadaan waa xayiraadaha la saaro Isticmaalka hantida, ganaaxyada safarka, iyo cunaqabateynta hubka.

Xeerarka cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay waxaa sida caadiga ah maamula guddi khaas ah iyo koox kormeera. Hay’adda caalamiga ah ee booliiska ee Interpol waxay caawisaa qaar ka mid ah guddiyada cunaqabateynta, gaar ahaan kuwa khuseeya al-Qaacida iyo Taliban, laakiin UN ma laha qaabab madaxbannaan oo ay ku dhaqan geliso waxayna ku tiirsan tahay dowladaha xubnaha ka ah, kuwaas oo intooda badan leh awood xadidan iyo dhiirrigelin yar oo siyaasadeed si ay u maxkamadeeyaan u hoggaansanaanta.  Caddaynta aan loo meel dayin waxay muujineysaa in hirgelinta cunaqabateynada UN-ka ay badanaa daciif tahay.

Ka hor Sannadkii 1990 wuxuu cunaqabateyn ku soo rogey laba dawladood oo keliya: Koonfurta Rhodesia (1966) iyo Koonfur Afrika (1977).  Si kastaba ha noqotee, illaa dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa, goluhu wuxuu adeegsaday cunaqabateyn in ka badan labaatan jeer, inta badan wuxuu bartilmaameedsanayey dhinacyada isku dhaca, sida Soomaaliya, Liberia iyo Yugoslavia 1990-yadii.  Laakiin inkasta oo iskaashigan cunaqabateyntu badanaa tahay kala qaybsanaanta, ka tarjumaysa tartanka danaha quwadaha adduunka.  Tusaale ahaan, laga soo bilaabo sanadkii 2011, Ruushka iyo Shiinaha waxay u codeeyeen dhowr qaraar oo khuseeya iskahorimaadka Siiriya, kuwaas oo qaarkood ay horseedi karaan cunaqabateyn ka dhan ah xukumada Madaxweyne Bashar al-Assad.

Waa maxay hannaanka cunaqabateynta ee Midowga Yurub?

Midowga Yurub wuxuu soo rogaa cunaqabatayn (inta badan ay taageereen sideed iyo labaatanka xubnood ee xubnaha ka ah sidii loo qaadi lahaa tallaabooyin xaddidan taas oo qayb ka ah Nidaamka Guud ee Amniga iyo siyaasada dibadda).  Maaddaama Midowga Yurub uusan lahayn awood militari oo isku dhafan, hoggaamiyeyaal badan oo reer Yurub ah ayaa tixgeliya cunaqabateynta siyaasada hubka waddamada shisheeye ee awoodda badan.  Shuruucda xayiraaduhu waa inay ka helaan ogolaansho mideysan dowladaha xubinta ka ah Golaha Midowga Yurub, waaxda mataleysa hogaamiyaasha EU. Wadammada midowga yurub mid waliba wuxuu awood u leeyahay inuu ku soo rogi karo cunaqabatayn adag ciduu damco si ka madaxbanaan awoodahooda.

Waa maxay hannaanka cunaqabateynta ee Mareykanka?

Mareykanka wuxuu cunaqabatayn dhaqaale iyo mid maaliyadeed u adeegsadaa in ka badan waddan kasta.  Nidaamka xayiraadda wuxuu ka iman karaa midkood hay’adda fulinta ama waaxda sharci dejinta.  Madaxweynayaashu sida caadiga ah waxay bilaabaan howsha iyagoo soo saaraya amar fulin (EO) oo ku baaqaya xaalad deg deg ah oo qaran iyadoo laga jawaabayo “khatar aan caadi ahayn”, tusaale ahaan, “fiditaanka hubka nukliyeerka, bayoolajiga, iyo hubka kiimikada”  ama “ficilada iyo siyaasadaha Dowladda ee xidhiidhka Ruushka marka loo eego Ukraine” .  Tani waxay awood u siineysaa madaxweynaha awooda gaarka ah si loo xayiro ganacsiga la xidhiidha halistaas muddo hal sano ah, ilaa amar dambe uu soo saarayo madaxweynahu ama ay si wadajir ah qaraar burinaya xayiraadaas uu ka soo baxo golaha koongareeska.

Koongaraska, ayaa dhiniciisa, waxaa laga yaabaa in uu meel mariyo sharci lagu soo rogo cunaqabateyn cusub ama wax ka beddelida kuwa jiray,Xaaladaha ay ku jiraan masuuliyin badan oo sharciyeed, sida Cuba iyo Iran, koongareeska iyo waaxda fulinta ayaa awood u leh baahida wax ka beddelida ama ka qaadida xayiraadaha.  Mararka qaar labadan waaxood waxay iskaga hor imaadaan siyaasada cunaqabataynta.  Tusaale ahaan, bishii july 2017, Kongareesku wuu meel mariyay oo madaxweyne Donald J. Trump ayaa diidanaa inuu saxeexo sharci ku soo rogaya cunaqabatayn cusub Ruushka kaasoo  faragelin ku sameeyay doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka.  Hindise-sharciyeedkan oo muran geliyay xaddidaadda awoodda Trump ee ka qaadista cunaqabateynta dalka Ruushka, ayaa lagu meel mariyey diidmada qayaxan.

In kabadan labo iyo toban barnaamij oo cunaqabateyn Mareykan ah waxaa maamula Xafiiska Waaxda Hanti dhowrka Dibedda (OFAC), halka waaxaha kale, oo ay ku jiraan kuwa Gobolka, Ganacsiga, Amniga Gudaha, iyo Cadaaladda, ay sidoo kale ka ciyaari karaan door muhiim ah.  Tusaale ahaan, xoghayaha arrimaha dibeddu wuxuu ku magacaabi karaa koox/urur argagixiso ajnabi ah ama wuxuu ku sheegi karaa waddan dowlad u adeegta argaggixisada, iyadoo labadaba ay ka dhalan karaan saameyno cunaqabateyn.  Xannibaadaha safarka waxaa sidoo kale gacanta ku haya Waaxda Gobolka, Mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa maxalliga ah, gaar ahaan New York ayaa waliba ku biiri kara dadaallada hirgelinta cunaqabateyntaas.

Sanadka 2019, Mareykanku wuxuu cunaqabateyn buuxda saaray Cuba, Kuuriyada Woqooyi, Iran, Suudaan, Syria, iyo sidoo kale in kabadan dhowr iyo toban barnaamij oo kale oo lagu bartilmaameedsanayo shaqsiyaadka iyo hay’adaha ku lug leh qalalaase siyaasadeed ama noocyo gaar ah oo looga shakisan yahay dhaqan xumo, sida ka ganacsiga maandooriyaha.  OFAC waxay si joogto ah ugu daraysaa ugana tirtiri kartaa galinta liiskeeda madow ee in kabadan lix kun oo shaqsiyaad, ganacsiyo, iyo kooxo. Ganacsiyada xayiraada la saaray ayaan awood u lahayn inay la macaamilaan muwaadiniinta Maraykanka ee ganacsiyada ku leh gudaha maraykanka iyo laamahooda ku yaala daafaha dunnida.  Marka la eego Madaxweyne Trump, OFAC wuxuu magacaabay shaqsiyaad sarsare iyo shirkado siyaasada ku xidhan oo ka kala socda Cuba, Myanmar, Nicaragua, iyo Venezuela.