Waxaan hambalyo diiran uga dirayaa Madaxweynaha cusub ee la doortay, Mudane Cabdiraxmaan Cirro, oo si dimoqraadi ah loogu doortay hogaaminta Jamhuuriyadda Somaliland.Waxaan Alle uga baryayaa in xilka culus ee loo igmaday uu u fududeeyo, una hogaamiyo dalkeenna tubta horumarka,caddaaladda, iyo midnimada.
Sidoo kale, waxaan bogaadin u dirayaa saddexda xisbi ee la doortay: Waddani, Kulmiye, iyo Kaah, kuwaas oo muhiim u ah dimoqraadiyadda iyo dawladnimada dalkeenna.
Waxaan rajaynayaa in ay noqdaan kuwo si wadajir ah u taageera dawladnimada, kana shaqeeya horumarka iyo midnimada bulshada, halkii ay carqalad ku abuuri lahaayeen.
Waxan kale oo Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa tageerayaasha xisbiga kulmiye oo markii sedexaad ku guulaystay ka mid noqashada xisbiyada qaranka somaliland
Si gaara waxaan u hambalyeynayaa
Mudane Maxamed Kaahin Axmed,hambalyo Hambalyo Guddoomiye Xisbiga Kulmiye, mujaahid Somalilander ah oo tan iyo yaraantii naftiisa iyo kartidiisa u huray dalkan iyo dadkiisa. Waxaad mar walba ahayd tiir muhiim ah oo Somaliland u taagan, isla markaana ku suntan halgankii gobonimada iyo horumarinta dalkan.
Doorashadaada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waa astaan kale oo muujinaysa kalsoonida iyo qadarinta bulshada ay kugu qabto, kana tarjumaysa hoggaamintaada daacadda ah iyo dadaalkaaga joogtada ah ee Somaliland.
Somaliland ha waarto!
Siyaasi Khaliif Ismaciil SulaymanBandhige@gmail.com