Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay madaxweynaha.

Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya oo bayaamisay iyadoo ku hadlaysa magaca shacbiga iyo dawladda Federaalka Itoobiya ay madaxweynaha la doortay ee Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ku bogaadinayso doorashada madaxtooyada ee uu ku guulaystay.Sidoo kale, waxa Dawladda Itoobiya ay hambalyeysay madaxweynaha la doortay Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Madaxweyne Muuse Biixi dimuqraadiyadda tusaalaha mudan iyo rag qarameednimada ay soo bandhigeen.Siday faafisay wakaaladda wararka ee SOLNA, Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya, waxa ay u rajaynayso maamulka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland uu ku guulaysto muddo xileedkiisa.