Somaliland waa dal dimuqraadi ah qabsadayna doorashooyin kala duwan sida doorashooyinkii Madaxtooyadda,Baarlamaan Gollayaal Deegaan iyo Mid Xisbiyo Ah si gaara waxa xusid mudan gaar doorashadii lagu doortey Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) Allah ha u naxariistee, doorashadii lagu doortey Madaxweyne Muuse Biixi Abdi, iyo doorashadan imika lagu doortey Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Abdilahi (Cirro), oo indhaha Caalamka Soo Jiitay.
sidoo kale waxaa Somaliland ka dhacay doorashooyinkii Golayaasha Deeegaanka, Wakiilada, iyo ururada dhamaana waxay ku soo dhamaadeen si nabad ah.
Doorashadan u danbeysay ee lagu doortey Madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (cirro) waxay kaga duwaneyd kuwaa hore waxaa si toosa uga qayb qaatey qaybo kala duwan sida Bahda dhaqanka, Ganacsatada waxaa soo raaca in dawlado shisheeye si dadban u kala taageerayeen xisbiyada sidaa awgeed way ka xanaf kululeyd kana xaraarad adkeyd.
Doorashadii waxay ku soo dhamaatey nabad galyo waxaana soo dhaweeyey wadamo badan oo ka tirsan aduun iyadoo dhamaan goob joogayaashii ay war bixin fiican ka gudbiyeen sida wanaagsan ee ay u dhacday doorashadu, intaa ka bacdi waxaa dadweynaha Somaliland la gudboon
1. In la isa-saamaxo oo wixii hadal hore ahaana aan dib loo soo qaadin maadaama aynu dooranay madaxweyne cusub.
2. In Somaliland Gudeheeda ay dadku ahaadaan dad isku duuban oo mid ah, markaa ayaynu awood yeelanaynaa
3. In la wada ilaaliyo qaranimada Somaliland muxaafid, Mucaarid, iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshaduba.
4. In lala shaqeeyo Madaxweynaha cusub iyo xukuumadiisa lagana wada shaqeeyo horumarka dalka oo aan markaaba la bilaabin Mucaaridnimo iyo ficilo xun midna.
5. Dhinaca Dhaqaalaha dalka sida aan la socono dhaqaalaha aduunka oo dhan ayaa hoos u dhac laga dareemey sanadihii u danbeeyey asbaabo gaara ayaana keeney Somaliland waa la dareentey hoos u dhaca dhaqaalaha waxaana sabab u ahaa Covid 19, xaalada Bada Cas, qalalaasaha itoobiya ayaa saameeyey, sidaa awgeed dhamaan ganacsatada dalku waa inay gacan buuxda siiyaan Madaxweynaha cusub iyo xukuumadiisa.
Dhaqaaliyahan: Cabdilahi Mowlid Iman
Bandhige@gmail.com