Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL oo ay weheliyaan Wasiirku-xigeenka WW&S iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada ayaa kulan la qaatay maamulayaasha dugsiyada hoose-dhexe iyo sare ee magaalada Hargeysa

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Cismaan Jaamac Aadan oo ay weheliyaan Wasiirku-xigeenka WW&S Md. Maxamed Daahir Axmed iyo Agaasimaha Guud ee WW&S Md. Axmed Abokor Maxamed ayaa kulan la qaatay maamulayaasha dugsiyada hoose-dhexe iyo sare ee magaalada Hargeysa.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay guud ahaan tayaynta waxbarashada, gudashada masuuliyadda maamulannimo, dhammaystirka manhajka, qaadista imtixaannada, qiimaynta joogtaysan ee billaha ah, iyo ilaalinta dhulka iyo hantida dugsiyada.