Waa qisso aad u xanuunbadan ,sida aynu la wada socono Macalinku waatoosiyaha iyo tilmamaha ardayda, Macalinku waa qofka labaad marka laga yimaado waalidka ee Ardayga wax baro, islamarkaana ay tahay ardaygu in uu kudaydo haduu yahay macalinku mid wanaagsan oo kudayasho mudan .
Hadaba maalin-maalmaha kamid ah, ayaa Macallin uu kuwaaniyey ardaydiisii in ay Rabbigooda adeecaan islamarkaana ay shanta salaadood tukadaan , walibana ay jameeco kutukadaan , isaga oo sigaar ah ugaladardaarmay in ay Salaada Subax ay jameeco kutukadaan Masaajidkana ay tagaan, waanadaasi oo uu Macalinkii aad ugu celceliyay .
Haddaba waxaa Ardayda kamid ahaa ardayda’diisu ay aad u yartahay Caruurna ah, kaasi oo dhiganayey galaaska saddexaad ee dugsiga hoose , magiciisana la odhan jiray Axmed.
Axmed waxa uu aad ugu qushuucay Macallinka warkiisa, waxaanu go’aansaday inuu kadhabeeyo qaadashada waanadaasi fiican ee uu Macalinku soo jeediyay , waxaanu go’aanku gaadhay in laga bilaabo manta aanu salad kaliya dayicin, isaga oo hoosta ka xariiqay in xataa salaada Subax uu Jameeco kutukan doono masaajidkana uu tagi doono. .
Axmed waa Inan yar oo caruur ah islamarkaana aan gaadhin xilligii ay fuulilahayd takaliifta cibadada ee ay salaadu ka mid tahay, balse hadana waa Inan yar oo ilaahay qalbigiisa ku ilhaamiyay wanadii macalinkiisa.
Go’aanka Axmed yare uu gaadhayee ah in uu salaada Subax masajidka jameeco kula tukado ayaa waxa caqabad ku noqon kara laba arrimood oo kala ah, cida u toosinaysa ee salaada subax u kecinaysa maadaama uu yahay Wiilyar, mida labaadna waxa ay tahay cida u kaxaynaysa masaajidka madaama masajidku waxooga u jiro Guriga axmed yare, aabihiina uu yahay nin mararkaqaar ay kuadkaato in uu Salaada Subax iyo salaadaha kalaba uu tukado .
Arrinku sikastaba ha ahaadee, wuxuu goostay Axmed yare inuu salaadda subax lasoo tukado jamaacada Masaajidka, maddaama Macallinku uga sheekeeyayajarka iyo xasanaadka badanee ay leedahay Jameecada Salaada subax Masajidka lagu soo tukadaa.
Axmed yare waxa uu qaatay go’aan khatar ku noqon kara naftiisa, balse ay geesinimo kujirto, kaas oo ah in’aanu seexan habeenkii oo dhan, illaa laga gaadho wakhtiga salaadda subax ay soo galayso intaana uu soojeedo.
Axmed yare maadaam uu seexdo meel ka durugsan waalidkii waxa waagu ugu baryay soojeed ka dibna markii uu maqlay adinkii Salaada Subax ayaa wax uu si qunyar ah u furay albaabkii hore ee gurigooda, kaddibna bannaanka ayuu u soo baxay, waxaana indhihiisu kudhaceen mugdiga iyo madawga dhulka ka muuqda ,taasi oo ku beertay cabsi iyo argagax dheeraada.
Wakhti yar markii uu meesha taagnaa ayaa waxa uu si lama filaan ah dhagahiisu u maqleen sanqadh ay kullamaan tahay Ul si fudud dhulka la jiidaayo, kadibna waxa uu u kuur galay sidii uu u fahmilahaa sanqadhani waxa ay tahay, kadibna waxa uu noqday nin oday ah oo u tukubaya tukashada salaada subax ee Masaajidka, odaygaasi oo ah Awawga Wiilyar oo ay Axmed saxiibo yihiin.
Axmed yare isaga oo iska ilaalinaya in Odayga Masaajidka kusocdaa uu arko ayaa waxa u qunyar u dabagalay odaygii illaa laga gaadhayay Masajidkii, kadibna Axmed yare inta uu wayso qaatay ayaa waxauu la tukaday dadkii jameecada soo xadiray.
Axmed yare markii uu Masajidka ka soo noqday waxa uu si aan la filayn ku soogalay gurigoodii kadibna waxa uu jiifsaday Furaashkisii iyada oo aanay cidina dhaadin, Albabkii gurigana waxa uu u soo xidhay si jabaqla’aan ah.
Waalidkii dhalay Axmed yare gaar ahaan hooyadii waxa ay dareentay in Wiilkeeda yar ay kusoo korodhay hurdogalab’nimo oo aanu awal caado u lahayn, balse hadana sidaas looma sii raadraacin sababta keentay hurdadani galabnimo .
Axmed yare waxa uu muddo aan sidaasi usii badnayn tukashada Salaada Subax ee Masajidka kudaba gabanjiray sidii caadada u ahayd Odaygii Tukubayay, ee uu xaalku sidaas ahaadaba, waxaa maalinmaalmaha kamid ah ayaa waxaa Axmed yare loo sheegay in uu Geeriyooday Odaygii Awawga u ahaa saxiibkii, kaasi oo ahaa Odaygii uu Masajidka marka uu tagaayo uu wehelka ka dhiganjiray.
Axmed markii uu yiqiinsaday geerida Odaygaasi waxa uu bilaabay in uu kor u dhawaaqo isagoo ooyaya lana aamusiin kariwaayay. Axmed yare Aabihii ayaa waydiiyey sababta uu la ooyaayo isaga oo kuleh “Maxaad la ooyaysaa Aabo?, odaygaasi dhintayqaraabadeena miyaa?,Hooyadaamiyaa, Aabahaamiyaa”?.
Intaasi kadibna Axmed wuxuu ku jawaabay:
“Aabbo waxaan ka-jeclaanlahaa in aad adigu dhimato meesha uu odaygaasi ka dhintay!.”
Aabbihii waxa uu weeydiiyey Axmed yare sababta uu u leeyahay hadalkaas ah:
“Aabbo adaan ka jeclaan lahaa in aad dhimatid.”
Dabadeedna wuxuu Axmed yare kujawaabay:
“Odaygaasi wuxuu ahaa odaygii aan masaajidka subuxii u raacijiray sii-socod iyo soo-socodba, marka ma jeclayn in uu dhinto odaygaasi, ee adaa Aabbo ku fiicnaa in aad dhimatid, maxaa yeelay weligaa iimaad kaxayn masaajid, imanaadan amrin tukashada salaadda.”
Dabadeed Aabihii wuxuu amray Axmed in uu uga sheekeeyo xaaladda uu ka soo maray salaadda iyo masajidka tagistiisa, markuu uga sheekeeyeyna Aabihii wuxuu bilaabay in uu ooyo isagoo ku dhawaaday in dhuuntu dillaacdo oohin darteed.
Aabihii markii uu arkay Inankiisa yar oo sidaa khayrka iyo Allah ka cabsiga ugu dadaalaya, isuna fiirsaday baadida iyo hallawga uu kaga sugan yahay Diinta, ayaa dhamaan reerkii waxa ay kutashadeen in ay raacaan talada iyo toosinta Axmed yare islamarkaana ay dhamaantood u wada dareeraan Salaada Ilaahay .
Axmed yare iyo Reerkoodii waxa ay noqdeen kuwo markasta safka hore kaga jira jameecada salada ee Masaajidka, waxaana uu Ilaahay ku soo hanuuniyay taladii Macalinka ee uu qaatay Axmed yare.
Waxa aynu sheekadan kafaa’idaysanaynaa in ay tahay in lagu dhaqmo talada Macalinka fiican, waxa kaloo iyana aynu sheekada kafaa’iidaysanaynaa go’aanqaadashada cibaadada Ilaahay in aanay ku xidhnayn wayni iyo yaraan balse ay u bahantahay oo kaliya geessinimo dheerad ah.
Waxaan kasoo ururiyay qissooyinka Sheekh Ibraahim Al-faaris.
https://twitter.com/khadar_aar
Waxa Qoray Qareen Khadar Ibraahim Aar