Anaaniyaddu waa cudur dilaa ah (WQ: Xasan Cabdi Shire)

 

Awood iyo sheegasho dhamaanteed Alle ayaay u sugnaatay, Allahaas oo ina keenay koonkan aaynu ku noolahay, markalena u noqon doonoย โ€œAbuuristeenii hore iyo soo saaristeena dambe kama duwana ilaa naf kali ah mooyaaneeโ€ย sida Alle Qurโ€™aankiisa ku sheegay.

Kelmada โ€œAnaaโ€ Alle ayaay u sugnaatay, Alle ayaa Qurโ€™aankiisa kusoo cel-celiay in badan โ€œAnaaโ€. Lakiin Kelmadani waxaay ku talaalantahay dhiiga Aadmaha sababtoo ah dadka ayaa jecel sareeynta iyo sheegashada libinaha kala duwan, waxaase hadba loogu kala duwanyahay laaysagana dhoowraa sheegashada kalinimada โ€œAnaaโ€ waa hadba sida loo kala xikmad iyo aragti dheeryahay looguna kala cabsi badanyahay Raxmaankii ina uumay, waayo waaa inaad ogolaataa inaad dhulka is-dhigto kana mid noqoto makhluuqaadka Alle kula abuuray, haddii kale waxaad noqon anaani aan laga jeclaayn dhulka iyo cirka toona. Xeerin laโ€™aanta, anaaniyadda iyo ad-adaayga qofka hadheeya waxa ku keenaa afar arrimood midkood:

  1. Inaanu qofkani dareensanaayn/aqoon u lahaayn ama arki kari waayo muhiimadda arinkaasi u leeyahay, nolol ahaan, kart iyo karaamo ahaanba, waxaana ka mid ah inaad yeelan waaydo dhegaaysi aad ku dhuuxdo wixii kugu cusub, lagaaga aqoon badan yahay ama inaay kugu jirtu cudurka iyo xanuunada ku dhaca qalbiyadda dadka gaar ahaan kuwa ku lidka ah wanaaga dadka kale, ogsoonoow anaaniyad iyo been waa isku hooy aan kala tegin. 2. Qofku marka aay laderisto kalsooni darro degta noloshooda, waxaay keenta inuu fahmi waayo doorkiisa nolosha, inta badan waxa uu adeegsadaa buuq uu ku xaliyo duruufaha haaysta ama iskaga difaaco doodaha adag ee cilmiyeeysan kana soo horjeeda fikirkiisa ama doonsitiisa, taasi waxaay abuurtaa in lagaga gabbado qofka xishood laโ€™aantiisaโ€, waxa kalsooni darrada astaan u ah marka aad maalinba jaamacad gasho, maalinba fakalti doonato, ama doowrka aad bulshada u haysaa loo kala garan waayo ma siyaasibaa mise waa dhaqanyahay ama ma aqooyahanba mise waa jaahil, si kale hadana u eegno marka aqoonta iyo qabyaaladdu kuula muuqdaan isku xerro kali ah iyo waxlamid ah.
  2. Waxa laga yabaa inu qofku kasoo booday noloshiisa qaayb ka mid ah oo aay haboonaayd inuu soo marro sida dhalinyarnimada oo ah halka ugu wanaagsan ee laga soo qaato tarbiyado kala duwan, daโ€™ahaan ma dhaafi karo qofku dhalinyarnimada oo cidkasta oo maanta odey waa soo maray 18-35 jir, lakiin wuxuu qofku ka boodi kara bashaashnimadi bahda dhalinta, xiisihii isku tiirsanaanta aay qabeen dhalintu markaay joogaan goobaha suuqyada, dugsiyada iyo baahidii nololeed ee ku baraysay inaay jiraan dad kula siman, ama waxa jirray ficil tartan oo qofkasta ka xishoodo dhego laโ€™aan, xeerin laโ€™aan iyo qiimaha qofka kale inaad lumiso, dadka qaarbaa hore ula saaxiibo dad aanay isku daโ€™ ahaayn, ama xeeerarkii dhalinta kaga habsaamay haawlo kale, ama darajooyinkii looga baahnaa anu soo jaran-jareeysan.
  3. Tan ugu dambeeysa dhankaya waxa weeyaan, qiimaha aad leedahay oo aanad aqoonin iyo heerka aad taagan tahay bulshada, cid ka caawisana aanay jirin, dhaliishaada haddii laguu indho bixiyana aad u arragto xaasid adiga ku lamaan, lakiin xaasidku waa ka aan ku sheegin boogtaada. Qofka marka uu halaabo waxa uu moodaa inuu tubtii saxda ahaayd ku joogo, waayo Alle ayaa Qurโ€™aankiisa ku leh โ€œ Waxaanu ku lammaanay-nay Shaydaan, waxays moodayaan inaay hanuunsan yihiinโ€.
  4. Hadaba marka goobaha bulshadu ku kulanto aad joogto ee aay jiran wax lagaaga aqoon badanyahay ama garaad ahaan lagu dheeryahay, ama lagaaga khibrad badan yahay waxa kula gudboon inaad dhuuxdo, dhegaaysato oo weliba aad ku camal falto intiisa wanaagsan. Doorkeenu waa dadaal iyo inaan nolosheena u wada muujino isku tanaasul, is-danaayn aan lakala maarmi karaayn iyo inaan isku ixtiraamno doowrkeena kala duwan oo jiritaanku u waaro isagoo indho leh, waxa laga taxadiraya dadku inaany god aanay ku dhicin, booraantaas oo aanay ku talo galin.

Guntii iyo gunaanadkii.

Bisadda waxa ku abtirsada bahda ugu dagaalka badan xayawaanka ee inta badan hilibka Cunna (Obnivers) lagana gabbado godkaay ku jiraan sida: shabeelka, harrim-cadka, libaaxa waa dhanka u qaab ekaanshiyaha marka aay kusoo eegayaan, waxaana laaysku dhahaa bahda muuqa bisadaha.

โ€œSheeko baralaay hore ayaa oran jirtay waxaay mararka qaarkood bisaddu isku eegtaa muraayadaha guryaha yaala, muqaal qurxoon oo u eg libaax ayaa natiijadu guddoonsiisaa, waxa laga yaaabaa inaay muddo ku quud doonato afka libaaxโ€, sidaasoo kale ayaa anaaniyaddu isu tustaa qofka inuu yahay qof sarre, Alle ayaaba dadka kala duwanaanshiyo iyo sareeysiin u kala hibeeyay, waa sidaasee haddaad sareeyso xitaayn waxa loo baahan yahay dhoowrsanaan iyo is-dhul-dhig โ€œย Alle ma jecla kuwa is-qaad-qaadaโ€ waa aayad Qurโ€™aan ah.

 

Hoos ka akhriso maqaallo hore oo uu qorayย Xasan Cabdi Shire:

Imaamka Masaajidka

Qaarada cagaaran iyo xidhiid-ka cusub ee dunida horumartay

Daawlidnimada iyo xatooyada xoolaha dadwaaynaha

Waayo-aragnimo

Af qalaad

Doorka Sekaddu ku leedahay bulshada iyo dhaqaalaha

Awoodaha is kaaba

Ha rajo dhigin!

Guducur aan caddaba jirin: Siyaasiga maanta

Ciil-Qabe

Maamul-goboleedyada Soomaalida: Astaan burbur qaranimo