Aqoon isku dhafani waa raadka horumar umadeed (WQ: Cabdilaahi Dayaane)

:Madaxweyne Muse Biixi waxaan ka fahmay khudbadihiisii kala danbeeyay ee jaamacadaha dalka inuu aaminsanyay in aqoonta dibada iyo ta dadkeenu hore u lahaayeen la isku xidho .

Dadkeenu madaxda waxay u haystaan oo keliya kaa afafka kala duwan ku hadlaya een waxkale u dheerayn waa markay wax durayaan inay yidhaahdaan ma isagaa heer caalami ah.

Aqoontu dhul ahaan iyo caalami ahaanbay ku fiicantay in la isku xidhi karo oo aan dheeli loo ciirin waa habka ugu fiican ee horumar lagu gaadho .

Aqoonyahan aan dhaqan ama diini u hoosayn waa ka la eeday ee lagu jabayo waa inay aqoontu yeelataa shaandho uu wax ku shaandheeyo oo miirta khashinka aqoonta caalamiga ahi leeday.

Madaxweyne Biixi runtii waxaan u arkayaa inuu hal abuuristaa aqoonta iyo ta dhaqanka ka duulayo meelina u caday bulshaduna aad iyo aad u burbursantay haduu isagu inaga saariwaayo xaaladan adag ee shacabku xuurtaysanyay ee dhinacyo badan ka xuurtaysan hogaanka isaga ka danbeeyaa bal inuu noqdo mid dheelitiran hal abuurna yeelankara si umadu u sii hanaqaadikarto oo loo helo dhisme dawladeed oo adag umadu dawladnimo uunbay ku dhismikartaa hogaan guud.