Hawsha Guddida Diiwaan-gelinta Ururada iyo Ansixinta Xisbiyada iyo Habka Loo Raacayo xil ka Qaadista Hogaanka iyo Xubnaha Xisbiyadda Ee Shirwayne Lagu Doortay

Hawsha Guddida Diiwaan-gelinta Ururada iyo Ansixinta Xisbiyada iyo Habka Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka iyo Xubnaha Xisbiyadda Ee Shirwayne Lagu Doortay.

Lafa gur iyo iftiimin sharci oo ku aadan muranada ka dhex dhasha xisbiyada ee galaafta xil ka qaadista ama eriyida ama ka saarida xubinimadda xisbiyada, iyo Awoodaha sharcigu siiyay Gudida Diiwaan-galinta iyo ansixinta xisbiyada Qaranka iyo siday hawsheeda u fulinayso.

Hogaanka xisbi;- waa xubnaha lagu doorto shirwaynaha xisbiga ee shantii sanadoodab mar la qabto xubnahaasi waa Gudoomiyaha, kuxigeenadiisa, xoghayaga Guud, iyo kuxigeenkiisa, sida ku cad Qodobka 25aad 4aad xarafka B.

Hadaba waxaa dhacda mudooyinkan danbe in xisbiyada Somaliland khilaafaadka soo kala dhex gala in la isugu awood sheegto, oo inta kooxi fadhiisto ay soo saaraan go,aamo xil ka qaadis hogaanka xisbiyadda qaarkood iyo ka eryid ama ka saarid xubinimadii xisbiga ba.

Dariiqa loo marayo xil ka qaadista xubnaha hogaanka xisbiga, gudida fulinta iyo xubin golaha dhexe waxa loo raacayaa sida lagu sheegay Qodobka 25aad farqadiisa 6aad ee xeer Lr 14/2011 oo u dhigan sidan:-

Maadaamoo sharicgu sida u qeexay habka xilka looga qaadayo hogganka xisbiga iyo cida soo jeedinaysa iyo tirade uu ku ansaxayo soo jeedintaasiba, Tusaale ahaan xisbiga waddani.

Su,aashu waxay tahay Labadii Gudoomiye ku xigeen ee xisbiga wadani Axmed Muumin seed iyo Xildhibaan Faarax oo isna ahaa Gudoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga Wadani sidii xilka looga qaaday ma waafaqsan tahay xeer 14/2011 Qodobkiisa 25aad farqda 6aad?
Jawaabta oo koobani waa Maya sababtoo ah lama raacin habka uu jideeyay xeer Lr 14/2011 Qodobkiisa 25aad farqda 6aad.

War-saxaafadeedka xil ka qaadistooda waxa lagu sheegay sidan:-

Markay diideen:- labada gudoomiye ku xigeen ergadii Suluxa ahayd ee xisbigu u diray.

Markay diideen:- yeedhmadii Gudida anshaxa.

Markay ka soo qayb-gali wayeen shirkii xisbiga.

Gudida anshuxu markay aragtay inay si cad u jabiyeen Qodobka 9aad farqadihiisa 1aad, 5aad, 7aad, 8aad, iyo 9aad, ee xeerka xisbiga isla markaasna ay ku hawlan yihiin falal xisbiga lid ku ah sidaasna ay ku sifoobeen dhamaan asbaabaha lagu waayi karo xilka xisbiga iyo xubinimadiisaba, si waafaqsan qodobka 37aad farqadiisa 1aad xarafka b ee xeerka xisbiga waxay ka codsadeen in Gudoomiyaha xisbugu hor dhigo gudida fulinta si loo anshax mariyo.

Gudoomiyaha xisbigu wuxuu isugu yeedhay gudida fulinta ee xisbiga si ay uga jawaaban soo jeedinta Gudida anshaxa, dood dheer ka dib waxay gudida fulintu cod gacan taag ah ugu codeeyeen xil ka qaadista Labada Gudoomiye ku xigeen iyo xubinmimadiiba waxaana codeeyay 42 xubnood oo Gudida fulinta ee xisbiga wadani ah.

Hadba waxay sharci ku noqon lahayd xil ka qaadistoodu iyagoo Golaha dhexe ee xisbigu ku ansixiyo Cod kala badh iyo Hal dheeri ah.

Xisibiga wadani wax talaabadan uga horeeyay xisbiga Kulmiye oo isguna talaabadan oo kale ka qaaday Gudoomiye ku xigeenkii Labaad Xil Waabeeyo iyo Gudoomiye ku xigeenkii 3aad Xil Talyanle inkastoo go,aan qaadshada xisbiga kulmiye waxay qaadatay ilaa 8 bilood halka go,aanka xisbiga Wadani ay go,aan ku gaadheen Muddo bil ka yar.

Hadaba way kala duwan yihiin habka loo raacayo xil ka qaadista hogaanka xisbiga, gudida fulinta,xubnaha golaha dhexe iyo ka saarista xisbiga ee xubnimadu, xisbiyadu xaqbay u leeyhiin inay cidii ka hor timaada siyaasada xisbiga iyo xeerarkaba inay talaabo ka qaadaan, laakiin talaabadaasi waa inay sharciga waafaqsan tihiin.
Sababaha lagu waayo xubinimada xisbi wax si cad u qeexa Qodobka 10aad ee xeer 14/2001 iyo xeerarka xisbiyada, laakiin waa in la raacaa.

Xisbiyada qaranku inay xeerarka ku dhaqmaan iyo inaan awooda cid gaar ahi ku tagri falin yaa ku ilaalinaya oo sharcigu awoodaa siiyay?

Sharcigu wuxuu awood u siiyay Gudidda Diiwaan-galinta ururada iyo ansixinta xisbiyadda qaranka Somaliland , gudidaasi hadaba iyagaa ka masuul in ay talaabo ka qaadaan xisbiga aan ku dhaqmayn si damuqraadi ah isla markaana xeerka baal mara.

Waayo sharcigaa awood u siiyay inay ku dabaalaan xisibiyada kuna hayaan. Tayaynta iyo habaynta xisbiyada Qod 25aad, faradiisa 7aad, oo u dhigan sidan:-

Gudidu wax kaloo ay awood u leeyihiin inay Ganaax lacageed oo dhan 30,000,000 somaliland shilin ah dul dhigaan, xisbiga ku xad gudba xeernkan iyagoo raacay Qod 21aad ee xeer 14/201.

Waxan ku talinayaa:-
1- Qalooca maanta xisbiyadii Somaliland galay ee ka dhigay dukaan ay leeyihiin hadba intii isku dani, ee halkaas hoos ay u sii dhaafeen ee ay noqdeen xisbiyo soo nooleeyay qudhunkii qabyaalada ee bulshadu soo dhaaftay, waxa masuuliyadaas leh Gudida diiwaan gelinta ururada iyo ansixinta xisbiyada oo gabtay ama aan aqoon hawsheeda, isla markaana in ay iyadu tahay cida ugu muhiimsan marka ay tahay jiritaanka xisbiyo ku dhaqma, laguna dhaqo xeerka dalka, haday hawshooda gudan lahaayeen maanta halkaas maynaan gaadneen, waxana inoo jiri lahaa xisbiyo si sharaf leh u tartama, oo gudahoodana xeerarka isku dhaqa, markay guulaystaana xeerka ku dhaqma bulshadana ku dhaqa.
2- Haday maanta daacad ka yahay hogaanka joogaa, waa in uu xeer 14 dib u habayn iyo kaabis ku sameeyaa, kuna soo dara qodobo qeexay fal dambiyeedka ka dhalanaaya gudasho la’aanta hawsha guddida diiwaan gelinta ururada iyo ansixinta xisbiyadu hawshay qaranka u hayaan, gudida hada joogtana la kala diraa, lana soo xulaa gudi cusub oo leh aqoonta hawshani u baahan tahay.

Gabo-Gabadii:-
Waxa jirta in gudidu daawato xisbiyada ku xad-gudbaya xeerka ee qabanya shirarka Golaha dhexe oo ay ka qayb-galyaan xubno aan lagu dooran shirwaynihii xisbiga oo ah liis lagu kordhiyay xubnihii hore isla markaasna ay codeeyaan oo ay doortaan musharax madaxwayne iyo ku xigeen, iyagii oo sharci daro ah sidii ay sameeyeen xisbiga Wadani shirwaynihiisii Koowaad ee Hargaysa ka qabsoomay 22/10/2016 Ambasdar Hottel.

waayo waa inay hubiyaan xubnaha golaha dhex ee shirkaas fadhiisanaaya inay yihiin kuwii lagu doortay shirwaynihii ugu danbeeyay ee xisbiga, waxa kale oo aanay sixin shirkii xisbiga UCID ku qabsaday Adams INN Hotel 9/10/11/2016 waa xubnaha golaha dhexe ee shirka fadhiyay ee inkastooy warbaahinta gudidu ka sheegeen inuu sax yahay shirwaynaha aan caadiga ahayni ee uu qabtay Gudoomiyaha xisbigu hadana wax jirta dad dhaliilayay gudida iyo siday uga aamustay ku hagid la’aantii xeerarka.

Waxa kale oon shaki ku jirin in 3 xisbi ee qaranka ka jiraa inta badan kuma dhaqmaan nidaam waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwoodaba waxaana dhexdooda ka dhaca is muquunin, waxaanay badanka ku dhaqmaan waxa uu gudoomiyaha xisbugu doonayo sababtoo ah ma jiraan xubno xisbiga ah oo bixiyaa qaadhaanka xisbiyadda, kaas oo ah kay xubnuhu ku wada yeelan la hayeen xisbiga, taas hadalkeedana dawlada ayaa xisbi kasta sii sa bishii 30kun oo doolar.

Ku dhaqid la’aanta xisbiyada xeerarka.
Gudida diiwaan galinta iyo ansixinta xisbiyada qaranka waa inay xisbiyada ku ilaaliyaan kuna dhaqanka xeerarka iyo nidaamka talo wadaaga ah iyagoo waajibaadka xeerku siiyay dabaqaaya, waayo qaranka xilkay u hayaan ee ay u dhaarteen waa inay ku shaqeeyaan oo soo saaraan Xeer-Nidaamiye loo raaco habka cabashada xisbiyadu ay raacayaan, iyo Awaamiir (Directives) lagu toosinayo xisbiyadda si waafaqsan Qodobka 26aad ee Xeer Lr 14/2011.

Sidoo kale gudidu waa inay ku dhaqmaan xeerka laftiisa, si aanay u lumin dhex-dhexaadnimadooda kana joogaan wax uu xeerku ka reebay sida Qodobka 14aad, iyo Mabda guud ee loo aassay, inkastoo mararka qaar aad arkayso Gudoomiyaha gudida oo xukuumadda dhex qaadaya ama Madaxwayahana hambalyaynya sida siyaasiyiinta waayo haday iyagu xeerka ku dhaqmi waayaan xisbiyaduna Ma ixtiraami doonaan, balse waa inay maskaxda ku hayaan inay yihiin Gudi Garsoor oo xisbiyada u dhex ah, kuna hagaysa isla markaana ku ilaalinaaya distoorka iyo xeerarka.

Hadaba waxa kale oo gudida laga rabaa in ay xisbigii ku dhaqmi waaya ama jabiya xeerka in ay u adeegsadaan awoodda uu xeerku siiyay oo aanay uga habran ku fulinta xeerka, sababta oo ah xisbiga isaga oo aan talada ku guulaysan oo mucaarida u hogaan sami waayay isla markaana ku dhaqmi-waayaan sharciyada gudida, markuu talada dalka ku guulaysto ma ku dhaqmi-doonaan xisbigaasi xeerarka dalka iyo dastuurka waafaqsan”Rule of Law”
Jawaabtuna waa maya hadalkii oo gaaban.

WQ:  Garyaqaan Cabdale D. Aden 

Image may contain: 1 person, smiling, closeup