Qormaddii 1aad waxaynu kusoo qaadanay hordhac kooban iyo xalka 1aad, aniga oo isku dayay inaan soo bandhigo tiradii mudaneyaashii degmo [gobolada hadda] kastaa heshay 1960kii oo shaxaysan iyo qaabkii laga duulay ee loogu jaangooyay doorashadii 2005tii. Qaab xisaab ah oo la fahmi karo ayaan u dhisay. Qormadii 2aad, waxaan kusoo qaaday xalka 2aad oo aan kasoo dhiraan-dhiriyay Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka (XEER LR. 23/2002) ee Wax-Ka-Bedel Iyo Kaabis Lagu Sameeyey 2007dii. Waa hab cusub oo la isticmaali karo haddii la lafa-guro oo la hufo. Qormadan 3aad waxaan kaga hadli doonaa xalka 3aad oo aan kasoo dheegtay tiro-koob ay hayโadda qaramada midoobay u qaabilshan tiro-koobka United Nations Population Fund (UNFPA) samaysay sannadkii 2014kii. Qaabkan muxuu sheegayaa? Aan dhugano.
Xalka 3aad:
Doorashada golaha wakiilada in lagu salleeyo tiro-koobkii ay qaaday hayโadda Qaramada Midoobay u qaabilsan dadka United Nations Population Fund (UNFPA) sannadkii 2014kii. Sida ay mahadnaqa ku sheegtay UNFPA, Somaliland ayaa kala shaqaysay tiro-koobkaa oo wasiirkii wasaaradda qorshaynta qaranka ee wakhtigaa, Dr Sacad Cali Shire ayay gallad u celinaysaa. ย Maadaama oo ay dawladda Somaliland kala shaqaysay, sidaa ayaan usoo qaatay tiro-koobka. In kasta oo la isku daray Somaliland iyo Somaliya oo ay ka soo horjeedsatay xukuumadda Somaliland in la isku qaado Somaliland iyo Somaliya, haddana waa hab la isticmaali karo maadaama Somaliland gobol kastaa ku cad yahay tiro-koobkiisu(Eeg bogga 31aad ee tiro-koobka UNFPA shaxanka ku yaal) marka laga reebo gobolka Saaxil oo isaga la raaciyay ama ย ku hoos jira gobolka Maroodi-Jeex (Waqooyi-galbeed).
Haddii aynu shaxayno tiro-koobkaa UNFPA sidan soo socota ayuu noqonayaa:
Gobolka | Tirada dadka |
Awdal | 673,263 |
*Maroodi-Jeex/Saaxil | 1,242,003 |
Togdheer | 721,363 |
Sool | 327,428 |
Sanaag | 544,123 |
Wadarta guud | 3,508,180 |
*Maadaama tiro-koobkan UNFPA lagu salleeyey 18kii gobol ee ka jiray Jamhuuriyaddii Dimuqraaddiga Soomaaliya (JDS) intii ka horraysayย 1991kii, gobolka Saaxil ee Somaliland wuxuu ku hoos jiraa oo la raaciyay gobolka Maroodi-Jeex (Waqooyi-galbeed) oo uu berigaa ka tirsanaa. Sida Saaxil iyo Maroodi-jeex laga yeelayo, gadaal ayaan ka faahfaahin doonaa.
Tiro-koobkan haddii boqolay loo rogo, wuxuu noqonayaa sidan soo socota:
Gobolka | Boqolayda % |
Awdal | 19% |
Maroodi-Jeex | 35% |
Togdheer | 21% |
Sool | 9% |
Sanaag | 16% |
Wadarta | 100% |
Tiro-koobkan marka lagu dabaqo tirada golaha wakiilada ee 82 mudane, sidan soo socota ayay u kala helayaan goboladu:
Gobolka | *Tirada mudaneyaasha | Tiradiiย 2005tii/mudane | Korodh/is-dhin |
Awdal | 15.5 | 13 | ย 2 mudane ayaa u kordhay |
Maroodi-Jeex/Saaxil | 28.7 | 30 | 2 mudane ayaa ka goโay |
Togdheer | 17.22 | 15 | 2 mudane ayaa u kordhay |
Sool | 7.38 | 12 | 5 mudane ayaa ka goโay |
Sanaag | 13.12 | 12 | 1 mudane ayaa u kordhay |
Wadarta mudaneyaasha | 82 | 82 |
Calaamadda * ee ku dhexqoran Tirada mudaneyaasha, haddii aan waxogaa faahfaahiyo, jajab ayaa ku jira oo maaha tiro buuxda, markaa anigu waxaan qaatay tirada buuxda. Masโuuliyiinta ay khusayso ayaa goโaan ka gaadhi kara gobolka jajabkiisa loo buuxinayo (Rounding) iyo ka aan loo buuxinayayn ee la tuurayo jajabkiisa sidii dhacday 2005tii. (Eeg qormadii 1aad ee taxanahan).
Haddii aan kawaramo Saaxil oo lagu daray gobolka Maroodi-Jeex markii tiro-koobkan la samaynayay, sababtu wax kale maaha oo Saaxil waxay gobol rasmi ah noqotayintii Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda. ย (Eeg Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka (XEER LR. 23/2002) ee Wax-Ka-Bedel Iyo Kaabis Lagu Sameeyey 2007dii). Maadaama oo ay hore uga tirsaan jirtay Maroodi-Jeex, marka la isku daro tirada mudanayaasha ee ay heleen 2005tii, waxay ahayd 30 mudane, 20 [Maroodi-Jeex] iyo 10 [Saaxil]. Habkan 1 mudane wax aan ka badnayd ayay waayaysaa, ย haddii loo raro 28.7-ka {29 mudane} oo ay sidaa ku hesho. Sidii berigii 2005tii tanaasulka looga sameeyey ayaa la yeeli karaa, inkasta oo aan jeclaan lahaa in hannaan hufan oo lagu wada qanacsan yahay, laย gorfeeyey oo la isla qaatay la sameeyo, haddana xilliga ayaa ah mid wax saar.
Qaabkan dadka qaar waxa laga yaabaa inay u arkaan tiro-koobkan mid aan Somaliland khusayn oo qaramada midoobay Somaliya u samaysay. Hase yeeshee anigu in la isticmaali karo ayaan qabaa, mar haddii Somaliland samayn kari weyday tiro-koob, si loogu jaangooyo xubnaha golaha wakiilada, sida gobolada qaar ay soo jeediyeen.
Qormada 4aadย oo u dambayn doonta, waxaan ku soo qaadi doonaa 3da xal oo kooban, mid kastaa wuxuu ku fiican yahay iyo wuxuu ku liito iyo sidaan xalka u arko.
La soco qaybta 4aad.