Axmed-yaasiin Xaaji Abu-Zite: halyeeygii sharafta la hoyday iyo dhacdooyinkii aan usoo taagnaa (WQ: Amb. Kaysar Maxamed)

Waxa lagu jiray xilli yab-yabad ah oo Dalka dib loogu soo noqonayay ka dib markii xukunka laga tuuray Xukuumadii keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre, waxaana Magaalada Hargeysa ka muuqday Burbur dhan kasta ah. Biyo la’aanta, Hoy xumada, gaajada iyo Nabadgelyo darrada jirtay waxay ahayd mid meel walba ka taagan.

Dhamaadkii Sanadkii 1991 kii ayaa waxaa Magaalada Hargeysa yimi Shirkad Maraykan ah oo la odhan jiray
(Turnkey) oo contract hoose ka haysatay hay’ada UNICEF, waxaanay Dalka u timi inay wax ka qabato dibna u kiciso Mishiinada Ceelasha Biyaha Geed-deeble ee Hargeysa si ay Magaaladu biyo u hesho.
Nasiib darro iyada oo Shirkadaasi hawshii wada ayay Nabadgelyo darradii jirtay ay sii xoogaysatay oo la dhacay gaadiidkii shirkadaas oo ay Wakiil u ahaayeen Reer Xaaji Abu Zite. Waxa kale oo Shirkadu ay wadatay Diyaarado Labo ahaa oo Garoonka Diyaaradaha Hargeysa habeenada qaar u hoyan jiray iyada oo Nabadu aanay lugo adag ku taagnayn.

Diyaaradahaas ayaanay ka soo bilaabatay Aasaaska Shirkada Daallo Airlines oo uu Rukumadeeda ka mid ahaa Allah ha u Naxariistee Marxuum Axmed-yaasiin.

Kaysar ahaan wakhtigaas waxaan ka soo doogay dhaawac igu soo gaadhay Xorayntii Berbera bishii January ee sanadkii 1991 xiligaas oo aanu Magaalada ka saarnay Ciidamadii Dawlada ee ka amar qaadanayay keligii taliyihii haligmay ee Maxamed Siyaad Barre. Waxaanan muddo yar xilgaas ka dib asn shaqo ka bilaabay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa oo aanu gacanta ku haynay.

Waxay ahayd xilli ay Jabhadihii kala duwanaa ee SNM ay mid kastaa meel dhexda ku xidhatay oo ay maamulanaysay, Dawladii Xilgaas jirtay ee uu hogaaminayay Allah ha u Naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali waxay ahayd Dawlad aad u taag daran oo aan waxba gacanta ugu jirin, meel kastana Jabhado hubaysan oo beelaysan ayaa xiimayay.

Duruuftaas qadhaadh ayaa Axmed Yaasiin iyo Qoyskooda Sharafta badani ay u badheedheen inay ka dhex shaqeeyaan oo ay waliba shirkad diyaaradeed ka dhex aasaasaan iyaga iyo Mujaahid Colaad Yaasiin Gabaxadi.

Marxuum Axmed-yaasiin Waxa uu Astaan u ahaa Gobanimada, Sharafta, Dulqaadka, isu Naxariisashada, Middaynta iyo isku ururinta Bulshada.

La Soco Qaybaha danbe oo aan kaga hadli doono Marxuum Axmed Yaasiin, Madaarka iyo Arrimo kake