Kaftan Siyaasadeed: Riyo-raac mise laba Riyo-raac oo Komishanka ah? (WQ: Maxamed Cumar Cabdi “Cirro”)

Riyo-raac mise laba Riyo-raac oo Komishanka ah?
Kaftan Siyaasadeedka ka Qosliyey Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali-waraabe: Waxa suuqa siyaasadda la soo geliyey tuhun kaftan ah oo lagu sheegay in Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan uu xilka iska casilayo, sidoo kalena ay shaqada iska casilayaan xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku inta aanay dhammaan bishan lagu jiro ee January 2020. Haddaba sheekada kafta ah ayaa odhanaysa in Cabdirashiid Riyo-raac lagu beddelayo xubinta Golaha Guurtida ee uu banneeyo Saleebaan Maxamuud Aadan, kadibna xilka Guddoomiyenimo ee Guurtida loo dooranayo Cabdirashiid Riyo-raac.

Haddaba, sida muuqata Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro iyo Ergayga Midawga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga oo maanta kulan ku yeeshay Caasimadda Hargeysa ayaa laga qaaday sawirro ay wada qoslayaan, wejiyadoodana ay ka muuqato farxad ah in hadda la marayo dhammaadka khilaafkii ka taagnaa Komishanka Doorashooyinka, waxaannu kaftanka siyaasaddu qeexay in masuuliyiintani ay ku qoslayaan in Cabdirashiid Riyo-raac uu noqonayo Guddoomiyaha Guurtida oo markii hore isaga oo xubin qudha ah ayey mucaaridku diidanaayeene imminka uu sharcigu siinayo inuu soo xulo laba xubnood oo ka mid noqonaya Komishanka Cusub ee Doorashooyinka. Su’aashu waxay tahay xisbiyada WADDANI iyo UCID ma ogolaan doonaan labada xubnood ee uu Riyo-raac ku soo darsanayo Komishanka, ilayn waa laba Riyo-raac oo muxaafidaysanne?

FIIRO GAAR AH: sheekadan yari waa kaftan siyaasadeed ee run iyo riyo maaha weli ee cidakasta oo dhibsada waan ka raaligelinayaa, gaar ahaan masuuliyiinta aan halkan ku xusay magacyada iyo xilalkoodaba, laakiin waa arrin suurtogal noqon karta haddii Ilaahay (SWT) sidaa qaddaro.

Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting and suitImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting and eyeglasses