Karootada waxa kujiro qaybaha kala duwan ee nafaqada waxay qani ku tahay oo aad ugu badan vitamin A
1. Waxay xoojisaa Aragtida isha: vitamin A kujiro carootada ka wuxu ka hortagaa xanuuno ku dhaco isha sida agtida habaynkii oo yaraato iyo indho qalayl-ka.
2. Waxay ka qayb qaadata korniimada jirka: fiitamiinada ku jiro waxay saacidaan samaysanka borotiinada ka qayb qaato korniimada jirka.
3. Wuxuu kor uqaadaa caafimaadka unugyada jirka: vitamin A kujiro wuxuu joogteeyaa badqabka unugyada loo yaqaan (epithelial cells) ee ku dahaaran xubnaha jirka sida isha caloosha,mindhicirada ,sanbabka ,kaadi haysta ,maaqaarka, iyo kuwo kale.
4. Waxay u fiicantahay dheefshiidka: waxana kujiro maadada fiber-ka oo saacido dheefshiidka caloosha.
5. Waxay u fiicantahay difaaca jirka: fiitamiin A wuxuu dowr muhiim ah ka qaataa shaqada difaaca jirka.
6. Waxay u fiicantahay hanaan ka taranka iyo samaysan ilmaha abuurmayo
7.Wuxu ka hortagaa qallalida iyo engegida maqaarka iyo isha.
Dr Doogle
like dhah: page-ka Caafimaadka_iyo Nafaqada
Riix hoos:
https://www.facebook.com/Dr.Doogle/