Dabayaaqadii sannadkii ina dhaafay ee 2019, waxa magaalada Hargeysa lagu soo bandhigay buugga la magac baxay ‘Dharaaraa Ina Soo Maray – Sooyaalkii iyo Sugantidii SNM’ oo uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale. Buuggani waxa uu ka kooban yahay 474 bog iyo 14 qaybood oo aan u kala soocnayn cutub ahaan, bal se cinwaanno lagu kala xeelay. Shirkadda Sagal Jet ayaa hannaan cuddoon u nashqadaysay, una daabacday. Tusmada buugga kolka aad ka gudubto waxa aad u tagaysaa bog lagu qoray ‘halkudhegga buugga’, kaas oo lagu xardhay tuducyo laga soo qaatay maansadii Dhayalsi ee Axmed-Jiiniyas. Buuggan waxa uu qoraagu u hibaynayaa xaaskiisa, carruurtiisa iyo mujaahidiintii SNM.
Mahadnaqa waxa uu ku xusayaa xubno qoyskiisa iyo asxaabtiisa ka mid ah oo kala shaqeeyay qoraalka buugga. Waxa kale oo uu u mahadnaqayaa dad uu ka mid yahay Siciid Yuusuf Cabdi “Siciid-Xabashi” oo uu sheegayo in uu xusuusiyay dhacdooyin iyo taariikho xiskiisa ka tirmay. Deetana waxa aad u gudbaysaa hordhaca buugga oo uu qoraagu ku xusayo in uu buuggan waday tan iyo 1991 oo uu teeb ku qoray, isla markaasna uu markii ugu horraysay kombiyuutar ku qoray 1999kii.
Bogga afeefta, waxa uu ku sheegayaa in dhaliisha buuggan ka timaadda ay leeyihiin waayaha iyo duruufuhu iyo in inta aan waxsoosaarkiisan la dhaliilin horta la hanbalyeeyo. Waxa kale oo uu odhanayaa: “waxa aan idiinka magan ahay in aydaan halkan ka raadin qof, qoys, ama qolo.” Iyada oo sidaas ah, haddana waxa aad bogag badan oo gudaha buugga ah ugu tagaysaa isaga oo afeefanaya ama siyaalo kale u cudurdaaranaya. Cudurdaarradaas waxa ka mid ah in aanu xog badan ka haynnin qaybta ciidamada xoraynta ee SNM, in aannu dhex ka wada noqon karin ka hadalka khilaafkii dhinacyada SNM iyo in taariikhda uu soo tebinayaa tahay intii uu isagu goobjoogga u ahaa ama raadin karayay. Marka laga reebo dad kooban oo uu waraysiyo la yeeshay, qoraagu waxa uu buuggan xooggiisa ka soo xiganayaa xusuusqorkiisii maalmihii SNM iyo 14 buug oo uu 5 ka mid ah isagu qoray.
Waxa uu ku bilaabmayaa afar geeddi oo uu saddex ka mid ah ka soo xiganayo maansada Goljanno ee Hadraawi. Geeddiga kowaad waxa uu ula baxay guryasamo iyo goglan, waxaana uu kaga hadlayaa noloshii bulshada ee ka horraysay soo cagadhigashadii gumeysiga ee carrada Soomaalida. Intaas kadib ayuu u galayaa saddexdii geeddi ee uu tixda Goljanno ka soo qaatay oo uu tiraabtiisa ku dhex googgoynayo. Halkaas ayuu kaga soo dhacayaa sooyaalka SNM oo uu qoruhu inoo sheegayo in uu ahaa maxsuul ka dhashay talaxumadii iyo tacaddigii dawladdii caskariga ahayd.
Buuggu waxa uu sharraxaad ka bixinayaa sidii ay u dhici jireen shirweynayaashii iyo kalfadhiyadii golaha dhexe ee SNM, sidii ay go’aannada ka soo baxaa u sharciyoobi jireen iyo xillitirsiga (calendar) u dhexeeya laba shirweyne ama laba kalfadhi oo kasta. Waxa uu ka warramayaa qaabdhismeedkii guud ee ururkii SNM iyo waajibaadka toddoba waaxood oo ururku lahaa. Waxa kale oo uu faahfaahin ka bixinayaa barnaamijyadii, dastuurradii, xeerarkii iyo xeerhoosaadyadii SNM, isaga oo si gaar ah isu dul taagaya xilgudashooyinkii golaha dhexe, guddida fulinta, guddida joogtada ah iyo eraybixinihii dastuuriga ahaa ee ay SNM u adeegsan jirtay shirarkeeda. Marka uu qoruhu inahaas ka warramayo, waxa uu kuu sawirayaa wax ka duwan jabhad duurka ku jirta – urur u shaqaynaya hannaan casri ah oo ay hagayaan mabaadii’da maamulwanaag ee isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo banyaalnimada.
Buugga waxa ku xusan go’aannadii shirweynayaasha iyo fadhiyada golaha dhexe ee SNM laga soo bilaabo 1983kii. Go’aannada mar kasta soo noqnoqon jiray ee ay ka siman yihiin shirweynayaasha iyo kalfadhiyadu waxa ka mid ah: taageerada ay u hayaan halganka lagu diiddan yahay midabtakoorka Koonfur Afrika ee ay hoggaaminayaan ANC iyo SWAPO iyo halganka ururka xoraynta Falastiin ee PLO.
Waxa kale oo uu ka hadlayaa hawlgalladii SNM ee ka horreeyay gudagalkii dalka, kuwaas oo uu ka soo qaadanayo: Dhagaxtuurkii UFFO, Hawlgalkii Badbaado ee jebinta jeelka Mandheera, Hawlgalkii Badjeex ee jebintii Miiska Saraakiisha iyo hawlgalkii Burcoduurrey. Waxa intaas xiga qayb uu kaga hadlayo kaalintii ay guurtida iyo haweenku ka qaateen halgankii hubaysnaa. Deetana waxa uu galayaa qayb uu ula baxay “booqashadii aagagga” oo uu kaga warramayo kormeer wefti uu Guddoomiyihii SNM Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ku tagayo aagaggii SNM ee dhexe, waqooyi iyo aaggii koonfureed ee Baarrey. Inta aad akhriyayso kormeerkaas uu qoraagu ula baxay “booqashada”, waxa aad marar badan ka shakiyaysaa in aad akhriyayso safar dalxiis oo qof sheeko yaqaan ahi qoray. Waxa kale oo sheekooyinka dhextaalka ah ka mid ah sheekada miyiga Awaare ee wiilka yar ee Xamse la yidhaahdaa ula baxayo qoraaga naanaysta Boobe-kimisle.
Sidoo kale, buuggu waxa uu si waafi ah u iftiiminayaa guud ahaan shirweynayaashii SNM, gaar ahaan shirweynayaashii afaraad iyo shanaad iyo kalfadhiyadii caadiga ahaa ama aan caadiga ahayn ee ku lammaanaa. Waxa kale oo uu ka warramayaa wadahadalladii Itoobiya iyo jabhadihii xoraynta ee SNM iyo SSDF iyo gudagalkii SNM ee magaalooyinka Burco, Cadaadley iyo Hargeysa ee Meey 1988. Waxa intaas raaca oo uu buuggu ku dul nasanayaa ergadii Garaad Cabdiqani ee Balligubadle timid 1990kii, warmurtiyeedkii ay 2/10/1990 sida wadajirka ah u soo saareen jabhadaha SNM, SPM iyo USC iyo lifaaqyo kala ah: Barnaamijkii siyaasadeed ee SNM, Dastuurkii mujaahidka iyo liis uu ku taxayo magacyada dadkii uu taariikhahooda wax ka qoray.
Magaca buuggu waa “Dharaaraa ina soo maray” oo uu ka soo dheegtay maansadii Axmed-Jiiniyas ee Dhayalsi. Hase yeeshee tuduca Jiiniyas ma aha kan qoruhu buugga ula baxay oo waa ‘Dharaaraa na soo maray’. Isbeddalkaas tuduca ku dhacay waxa uu geddiyay macnihii tuducaasi lahaa. Sidaas darteed, waxa ay ahayd; in uu tuduca sidiisa ugu qaato magaca buugga ama in uu iska dhaafo. Naxwe ahaan, waxa magaca buugga ku jira laaxin, waxaana uu u dhigan yahay qaab hadal. Waxa uu sax ku noqonayay in loo dhigo qaab qoraal, “Dharaaro ayaa ina soo maray”. Si taas la mid ah, waxa jeldiga buugga lagu xardhay sawirka astaantii SNM oo aan iyada lafteedu ahayn tii asalka ahayd, bal se waxoogay la dhalanrogay.
Buuggu waxa uu ka warramayaa sooyaalkii iyo sugantidii SNM oo uu ku taariikhaynayo intii u dhexaysay 6/4/1981 ilaa 31/5/ 1993. Taariikhaynta caynkaas ah ayay weyddiimo hor lihi ka dhalanayaan. Horraantii 1991 ayay SNM si buuxda gacanta ugu wada qabatay dalka. 5tii ilaa 8dii bishii Meey 1991kii, waxa magaalada Burco ku qabsoomay shirweynihii walaalaynta beelaha Waqooyi. Sida qoraagu xusayo, markii uu shirweynahaasi dhammmaadayba waxa furmay kalfadhigii labaad ee caadiga ahaa ee golaha dhexe ee SNM oo ka go’aanqaatay arrimihii qaran ee shirweynahaas guurtida beelaha waqooyi ka soo baxay. Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaalilaand waxa uu noqday Cabdiraxmaan Axmed Cali oo isla markaasna ahaa Guddoomiyihii ugu danbeeyay ee SNM. Muddadii xilhaynta madaxweyne Cabdiraxmaan buuggu waxa uu u arkaa qayb ka mid ah maalmihii halganka SNM, taas oo loo macnaysan karo in dawladnimada Soomaalilaand ka bilaabmayso 1993 iyo shirkii Boorame ee lagu doortay madaxweyne Cigaal. Xataa haddii ay sidaas tahay, buuggu waxba kama odhanayo waayihii labadaas sannadood 1991 ilaa 1993, jabhad ahaan iyo dawlad ahaan ba.
Qoruhu ma sharraxayo waxa uu uga jeedo erayga ‘suganti’ ee ku lammmaan magaca buugga. Haddii eraygaasi u taagan yahay ‘wixii sugnaaday’ waxa aad meelo badan ku arkaysaa sugnaansho la’aanta qaybo ka mid ah taariikhda buuggu xanbaarsan yahay iyo qoraha oo leh ‘waxa aan u malaynayaa in ay sidaas ahayd; haddii aanay xusuustu i dagayn, iwm’. Tusaale ahaan, buugga kuma xusna taariikhaha rasmiga ah ee ay qabsoomeen shirweynayaashii kowaad iyo labaad ee SNM. Waxa kale oo aan sugnayn taariikhaha kalfadhiyadii kowaad iyo saddexaad ee ka danbeeyay shirweynaha afaraad ee SNM. Si taas la mid ah, waxa aad ka dhex arkaysaa hubanti la’aanta in shirweyne kowaad oo SNM yeelatay jiray iyo in kale.
Buugga waxa ku badan hadaltirada, iyada oo uu taariikh kasta qoruhu dhex galinayo sheeko xidhiidh la leh ama aan la lahayn. Bogagga 297 ilaa 301, waxa uu qoraagu kaga warramayaa xilli (7/4/1988) ay isaga iyo wefti uu guddoomiyihii SNM hoggaaminayaa ka ambabaxeen Diridhabe, una safreen Addis Ababa. Waa xilligii ay Siyaad Barre iyo Mingiste heshiiska galeen, ee ay isla gaadheen in qolo waliba jabhadaha dalkeeda jooga ay xuduudka dib uga qaaddo. Laakiin waxa aanad inta hore oo dhan ka baxayn sheeko aad mooddo in dalxiis laga qoray, iyada oo aad marka danbana u galayso sheekooyin u badan cunto: jabaati iyo biriyaani. Waxoogay marka aad raagsato ujeeddadii aad qormada u akhriyaysay ayuu qoruhu intan innagu qaboojinayaa: “…Malaha kaftankii iyo qurxintii ayaa ila yara jiitantay, inkasta oo aynnu ka hadlaynnay mawduuc xasaasi ah, haddana xawaashka iyo dhadhan u yeelidda hadalku waa lama huraan, haddaan hadalka loo lebisinna liqiddiisu way kugu adkaataa.”
Marar badan waxa uu soo qaadanayaa xilalka, halkii uu ka soo qaadan lahaa magaca qofka. Sidaas darteed, maadaama isbeddallada hoggaanka SNM ahaa mid soo noqnoqda, waxa aan marar badan la garan karin cidda qoruhu ka hadlayo. Tusaale ahaan, waxa uu bogag badan kaga hadlayaa ‘Guddoomiyaha’ iyada oo aanu marna xusayn ka uu yahay Guddoomiyuhu, taas oo uu akhristuhu waxoogay ku dayoobayo. Si taas la mid ah, si ay magacyadu ugu qoran yihiin meelo ka mid ah buuggu ma aha hannaan la fahmi karo. Tusaale ahaan, magacyada ku qoran bogagga 217 ilaa 219, walow uu qoraagu sheegayo in uu sidii ay ugu qornaayeen warqadda rasmiga ah u soo minguuriyay, haddana, taasi ma noqon karto cudurdaar, mar haddii aan warqaddii rasmiga ahayd la soo sawirin ee dib loo qoray.
Cuddoonaanta habqoraalka iyo saxnaanshaha higgaadda waxa uu buuggu kala siman yahay in badan oo ka mid ah buugaagta waqtiyadan danbe soo baxda. Khaladaad aan tiro lahayn ayaad ku arkaysaa buugga. Tusaale ahaan, bal u fiirso khaladaadka bogagga 248 ilaa 250. Meelaha kale ee habqoraalka buugga laga hadli karo waxa ka mid ah qoraalka erayga (si) oo uu qoruhu mar kasta guudka kaga darayo hamsa (si’), taas oo aanan qabin in ay sax tahay. Jeldiga sare ee buugga waxa ku xardhan astaanta qoraal ee ‘&’ oo u taagan ‘iyo’ “Sooyaalkii & Sugantidii SNM”, taas oo aan lafteedu waafaqsanayn habqoraalka hagaagsan.
Qoraagu waxa uu isku dayayaa in uu ka hadlo khilaafkii dhinacyada SNM u dhexeeyay laga soo bilaabo 1987kii, bal se waxa uu ku guuldarraysanayaa in uu akhristaha mawduucan danaynaya faham ku filan ka siiyo sababaha xuddunta u ah khilaafkan – marka laga yimaaddo dhismaha guddida fulinta. Waxa uu arrimahaas xooggooda uga hadlayaa si dulkaxaadis ah, isaga oo aad marar badan dareemayso sida uu isaga dhawrayo in uu sidii ay wax ahaayeen far waaweyn ugu sheego. Waxa la yaab leh in khilaafyadan lagaga hadlayo 70 bog oo ka mid ah buugga.
Sidaas oo ay tahay, buuggu waxa aad ka dhex helaysaa aragtida qoraha ee khilaafyadii SNM regaadiyay, kuwaas oo sida aad marar badan u moodayso dhexdhexaad aad hal mar uun ku warhelayso isaga oo dhinac la safan. Bogga 273 waxa uu qoraagu ina odhanayaa: “…ka mid baan ahaa, dhexna kamaan ahayn ee qayb ayaan ka tirsanaa, laakiin waxa aan ku dedaalayaa in aan idin soo hor dhigo wixii dhacay si aad idinku uga garniqi kartaan. Waxa aan ku dedaali doonaa in aanan cidna eedayn, cidna garabka saarin, si aanan idiin marinhabaabin, inkasta oo ay adag tahay sida aad dhexdhexaad u noqotaa. Dedaal iyo in aan is ilaaliyo ayaa i faran, bal se haddii aan simbiririxdo mar iyo laba raalli ha la iga ahaado…”
In badan oo ka mid ah taariikhda uu qoraagu ka warramayo, waxa uu ku nuuxnuuxsanayaa kaalinta ay taariikhda ku leedahay maalinta uu ka warramayaa, marka loo eego ka-warranka waayihii dhacdadaas. Tusaale ahaan, marka uu ka warramayo dagaalkii Burcoduurrey, waxa uu qoruhu aad uga hadlayaa maalinta 17kii Oktoobar iyo sababta loogu aqoonsaday maalinta xuska shuhadada SNM. Si taas la mid ah, marka uu ka warramayo dhagaxtuurkii UFFO, waxa uu aad ugu nuuxnuuxsanayaa maalinta 20kii Feebarweri. Waxa intaas dheer in uu buuggu meelo badan adeegsanayo erayga ‘taxanaheenna’ iwm. Arrimahaasi dhammaantood waxay muujinayaan in buugga laga soo minguuriyay qoraallo taxane ahaa oo hore wargeysyada maxalliga ah ugu soo bixi jiray, kuwaas oo sidoodii loo soo raray iyada oo aan wax tifaftir ah lagu samayn.
Buuggu waa uu isku soo noqnoqonayaa. Tusaale ahaan, bogagga 134, 147 iyo 219 iyo meelo kalaba waxa aad ugu tagaysaa sheekada kulanka Laanqarta Doonbiralay iyo 64ka baabuur (Toyota) ee lagu ururiyay Awaare, dhammaadkii shirweynihii afaraad ee SNM. Meelaha qaarkood waxa uu soo xiganayaa qoraallo ama hadallo dad kale yidhaahdaan, kuwaas oo uu faallooyin uu isagu leeyahay ku dhex googgoynayo. Qoraalladaas uu soo xiganayo iyo faalladiisu meelo badan ma kala soocna, waxaanad garan kari waayaysaa faallo iyo xigasho ka aad akhriyayso. Tusaale waxa kuugu filan warbixinta Ibraahin Koodbuur ka diyaariyay dagaalkii Burco-duurrey ee ku xusan bogga 140.
Ugu danbayn, waxa aan qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale ku bogaadinayaa dedaalka iyo kartida uu mar kale horteenna ku soo dhigay buug ka warramaya taariikh qaayo leh, waxaanan bulshada Soomaaliyeed ku dhiirrigalinayaa in ay akhristaan.
Muhammad Suleiman Omar
Email: halabuur2@gmail.com
Twitter: @halabuur
30/1/2020.