1997kii waxay ahayd sannadkii ugu dambeeyey ee aan nolol baadiye ku qaato bilihiisii hore ee aan wali ku sii noolaa waxa uu xanuun iga haleelay indhaha kaasi oo sababay in aan habeenkii haba yaraatee waxba arki waayo ilaa aan helo Iftiin sida Toosh ama nalalka korontada aniga oo wali dareemaya inay xaaladayda arag is bedeshay.
Si caafimaadkayga loo badbaadiyo Aabahay Cali Xasan Geelle waxa uu go’aamiyey in dhakhtar ahaan Hargeysa lay keeno.
Saddex todobaad ayaan caafimaadin u joogay Hargeysa. Galab ka mid ah maalmahaygii Hargeysa waxaan aabo ka codsaday madaama ay qoraxdu soo jeedo isla markaana aan magaaladii xoogaa kala bartay inuu ii ogolaado inaan soo salaamo xafad ehelka ah oo meel aan suuqa ka fogayn degan.
Aabo inkasta oo uu markii hore iga yara diiday isaga oo leh waad lumiayuu ii ogolaaday waxaanu igu dar-daaray inaan hore u soo laabto waxaan ka ballanqaaday in goob uu saaxiibadii uu kula sheekaysanaayey aan si dhakhso ah ugu soo laaban doono.
Markii aan gaadhay gurigii oo dhinaca koonfureed ka xiga Biriijka/buundada weyn ee Hargeysa , ehelkii way isoo dhaweeyeen dukaanna sharaab iyo wax aan cabo ayaa la iiga dalbay , intii aan sheekaynayey oo aan hadba fiirinayey guriga iyo cuntadan la ii siiyey ileen wiil yar oo reer baadiye ah ayaan ahaye waxaan ku war helay qoraxdii sii lib dhaysa.
Waxa igu bilaabmay wel-wel oo xaalkayga ayaan si wacan u ogahay. Waxaan macasalaameeyey xaafadii waan soo baxay markaan wax yar gurigii markaan ka soo maqnaa ayaan waayey aragii waxaan kala garan waayey meel aan ka imi iyo meel aan socdo toona.
Waxaan go’aansaday inaan jihadii aan u jeeday uun u sii socdo , jidka baabuurta ayaan ku soo dhacay , markaasi ayaan yara arkay laba mar qof meesha maraaya oo iftiinka baabuurku i tusay. nasiib darrose baabuurtu sida waqtigan Hargeysa uguma badna oo 30 daqiiqoba laga yaabo inaad aragto mid meel taagan ma soconaaya.
Waan socday balse jiho aan u jeedo ma garanaayo waxaan mar kale ku fikiray inaan dib ugu laabto gurigii hase ahaatee garan maayo xataa inaan hor taagnahay waxaan ku dhawaaqay magaca:
โAabooy’ aniga oo dhawr mar ku cel-celinaya balse cod aanan garanaynin meel uu iga xigo ayaan maqlay oo leh “‘waar yaa darbi-jiif ka daa magaalada qaylada.”
Habeenki is gur waxaan ag-istaagay haweenay maqaaxi shaah haysata aniga oo raba inaan xaalkayga uga sheekeeyo ayaa meeshii waxa soo istaagay oo aan iftiinkii meherada ku arkay laba wiil oo aan da’ahaan isku qiyaasay inaan isleegnahay caagado aanan dareere ku jira gacanta ku sita.
Waxayna saddexda yadiiba Haweenaydii ku dhahday:
โ Socda socda oo iga hor dhaqaaqa.”
Iyagu way ordeen aniguse ma awoodo oo intaan yara dhaqaaqay ayaan meel kala dheer ku kufay oo aan hadana kacay.
Habeenkii r wuu socdaa oo markan baabuurtii aan mar mar i tusaysay inaan adduunka joogana kala hooyatay.
Waxaan talo ahaan qaatay inaanan ka fogaanin goobtii araga iigu dambaysay oo aan fahamsanahay inaanay ka fogayn gurigii aan ka imi.
Dhulku waa uu ii kala dhaadheeryahay dhammaantii oo hadba god ayaa lugta amaba labadaba kula dhacayaa.
Mar ayaan ku war-helay gacan si xoogan isoo dhuftay oo i leh” miyaad is dilaysaa adeer waa maxay sidani miyaanad ogayn inay meeshani tahay meel dheer? waan weydiiyey waxa uu igu yidhi ma xabagtii/kooladii ayaa ku tustay sidan adeer waxaad kala dhex-gashay birihii biriijka/buundada oo waxaad khatar ugu jirtay inaan dhulka ku dhacdo , xusuusnaw oo iska daa qof ka dhacee ka ugu talo gala ugu yaraan jajab badan ayaa soo gaadhaya .
Aniga oo wali dul meeraysanaya biriijkii waxa goobtii iigu yimi laba nin oo ehelka ah oo ku jiray baadi-doonkayga.
Way i wadeen , waxayna i geeyeen gurigii aan seexanayey , balse sidii la ii raadinayey waxa isaguna waqti lagu soo helo u baahan aabahay oo isaga markii ugu dambaysay ay ii sheegeen inuu magaalada iiga dhex yeedhayey bal inaan codkiisa maqlo uun.
La raadi waxaana loogu tagay isaga oo ceel dheer oo ka qodan dooxa weyn ee Hargeysa dul taagan oo leh’ Cumaraw Cumaraw”. oo u beer nugaylka waalidnimo u sheegay inaan ku dhacay ceelkan .
Sheekadani waxay ina tusi kartaa dhibaatada uu waalidku la maro ubadkiisa xilliga bar-baarinta, garabka ay inooga baahan yihiin dadka araga naafada ka ahi iyo tacadiyada aan loo garaabin ee caruurta dar-bijiifka ah ku haysata magaalooyinka oo aan soo taabtay habeenkaasi aan ka mid ahaa iyaga .
Allaw aabahay u naxariiso adiga ayaa abaal waalid gudi karaaย , Axad 21 Febraayo 2016 ayaan ku aasnay xabaalaha Naasa-hablood ee waqooyiga Hargeysa
Haday ku soo jiitay dareenka ay xambaarsantahay faldan saaxiibadaa la sii wadaag.
Waxa Qoray: Cumar Seerbiya