Baraarugga Islaamka iyo baahida bulshada (WQ: Dr. Abdulqani Hussein Bedder)

Ujeeddada ugu muhiimsan ee ay u sameysmeen xarakaatka islaamiga ahi waxa ay ahayd in bulshooyinka muslimka ah lagu hoggaamiyo dhaqangelinta shareecada islaamka, si ay u noqoto manhaj nololeed uu qofka muslimka ahi ka dhinbiil qaato, noloshiisana ku dhiso.

Taas waxa la is tusay in loo maro, dariiqooyin kala duwan, waana sababta ugu muhiimsan ee ay xarakaatka Islaamku u kala duwan yihiin, iyada oo qolo waliba u aragtay in arrintaas lagu xaqiijin karo habraac gaar ah.

Qolo ayaa u aragtay in bulshada gunta laga soo dhiso, oo wacyigelinta iyo tarbiyadda culayska la saaro, si loo helo qof muslim ah oo toosan, ka dibna loo abuuro qoys muslim ah oo qumman, ugu danbeynna loo helo dawlad islaam ah oo shareecada dhaqan gelisa, qoladani ma aamminsana in ay iyaga oo keli ahi shareecada fuliyaan, waxase muhiim ah in shareecada la dhaqan geliyo, ciddii doontaa ha dhaqan gelisee.

Halka qolyo kale ay u arkeen in dariiqa ummadda lagu toosin karaa uu yahay in hoggaanka sare gacanta lagu dhigo, amarro sare iyo awood fulineedna wax lagu toosiyo.

Sida hoggaanka sare lagu gaadhayo ayey mar kale qolyahan danbe ku kala tageen, qaarkood waxa ay door bideen in ay ku gaadhaan nidaamka doorashooyinka xorta ah, halka kuwo kalena ay door bideen in ay qori caaradii ku qabsadaan.

Dhinaca kale, kala duwanaanshaha xarakaatka Islaamiga ah waxa ka mid ah waxyaalaha saameeya: fahamka diinta iyo qiimeynta bulshada kale, iyo weliba sida loola tacaamulayo.

Dhammaan jamaacooyinka islaamiga ah ee ka hawlgala ciidda Soomaalida ujeedkooda gundhigga ahi waa mid ku salaysan helitaanka islaamnimo toosan oo dhulka laga hirgeliyo, kala duwanaanshahooduna waxa uu ku lugleeyahay fahamka arrintaas iyo jidka loo marayo.

Dabcan way dhici kartaa in xarakooyinka qaarkood gacmo shisheeye oo aan ujeedkaa lahayni ku soo dhex dhuuntaan, ama lagu dhex abuuro, taasina waa mid aanay cidina ka badbaadin oo dawladaha adduunka ugu xoogga badan mararka qaarkood lagu majare habaabiyo, tusaalena waxa kuugu filan saameynta uu wakhtigan Ruushku ku yeeshay doorashadii Maraykanka ee Trump ku soo baxay, dhinaca kalena burburkii iyo baaba’ii ay Daacish oo gacan galbeed sameysay ka geesatay adduunka Islaamka.

Baraarugga islaamka ee ay xarakaatku metelayeen waxa uu caalamka islaamka ka xaqiijiyey ahdaaf waaweyn oo ay ugu muhiimsan tahay in kalsoonidii bulshooyinka muslimka ah ee diintooda ku aaddanayd la badbaadiyo, in gaalaysiintii qorsheysnayd la hor istaago, in ilaa xad dhaqangelinta shareecada ee heer qofeed, qoys iyo weliba heer qaran meelaha qaarkood la xaqiijiyey.

Qormo culus oo ay intani halkan khusayso- 2018.

 

Dr-Abdulqani Hussein Beder