Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Oo Maanta Daah-furay Kulan-Hawleed Loo Qabtay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyayaasha Hay’adaha Dawladda

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa Maanta Hotelka Royal Plaza ee Magaaladda Hargeisa ku Daah-furay Kulan-hawleed ay Wasaaradda Maaliyadu u  qabatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyayaasha Hay’adaha Dawladda Somaliland, kaas oo lagu Lafo-guray  Doorka  ay ku  leeyihiin Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, sida Diyaarinta Miisaaniyadda, Dakhliga,  Dabagalka iyo Isla-xisaabtanka iyo sidii ay door muuqda uga ciyaari lahaayeen Nidaamka Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda ee PFM-ka.

Sidoo kale waxa madashaasi ka hadlay oo tafaasiil ka bixiyey Ujeedada iyo faaidada kulankaasi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md Md Maxamed Cabdi Gurxan, waxa kale oo kulankaasi ka soo qaybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Md Muuse Ibraahim Salaf iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Md Axmed Daauud Geedi iyo Agaasimayaasha Waaxaha Kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda ee uu kulankaasi khuseeyo.