Muddo Kojin iyo Muddo Kordhin: Labba Aafo !
Ta dambe, waa muddo Kordhin oo waa Marka muddo xileedkii hay’addi lahayd ama jago siyaasadeed dhamaado bal se la iska sii fadhiyo si Ka baxsan Distoorka qaranka. Waa boog madow oo Ku taal hanaanka dimuquraadiyad Somaliland. In xal loo helo ayaa la rabay waxaa se muuqata in la caadaystay, xukuumada hadda jirtanaana waxba iney uga mooyee iney daawayso ma rabto. Goleyaasha Guurtida, WAKIILADA iyo Deegaanka hadda jooga ayaa muddo kordhay dhamaantood. Qaar baa 15 Ka badan fadhiya.
Ta dambe, waa Muddo-Kojin, waa hal-abuur cusub oo siyaasadeed oo lagu wiiqayo Isla xisaabtanka oo uu soo-saaray MW Muuse Biixi. Muddo-Kojintu waa hore-u-soo dhigista ama soo-gaabinta muddo-xileedka hay’addo qaran sababo la xidhiidha in la maroorsaddo taladda oo keli-talisnimo loo salaxdo.
Xisbiyadda qaranka oo muddo-xileedku ahaa 10 sanno ayuu MW Biixi yidhi waan soo gaabinayaa, waxaana sacab iyo mashxarad Isla oogsaday Golaha WAKIILADA ee muddo-dhaafka ah. Mucaaridka laftiisa ayaa MUDDO-KOJIN gudoonnsaday markay yidhaahdeen doorasho Madaxwaynenimo ha la qabto 2020. Inkasta oo mucaaridku ay Ka jawaab celinayeen qar-iska-xoornimada xukuumada naf-la-caariga ah iyo damaca keli-talisnimo we madaxwaynaha hadda jooga.
Labadda aafo-ba waa in laga waantoobaa. Waa in doorasho dhacdaa 2020 taas oo lagu xakamaynayo muddo-dhaafka goleyaasha Wakiilada Guurtidda iyo Deegaanka. Waa in laga waantoobaa muddo-kojinta awood maroorsiga Ku qotonta.