“Dadka aanu ka soo jeedno ee Dawlad deeganka ka mid ah waxaan leeyahay Dad Itoobiyan ayaad tihiin Soomalida Deeganka ayaad wax la leedihiin , Dawlad deeganku waa kii aynu samaysanay Madaxweynena waynu ka noqonay .
Dad Calanka Oramada sita ayaan arkayay maalinti Dhacdada xanuunka badan dhacday ama si cadho leh u hadlaayay, Waaxaan leeyahay Beelaha Reer Sh. Isxaaq ee halka degan Nabbada Laanqayrta lagu qaatay ayida oo nabbada Ilaaliya. Dadka aad wada degtaan Inta u dhaxaysa Yoocale ilaa Awaare iyo inta deeganka oo dhan ayaad cid iskugu xigtaan.
Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar anoo Xushmad badan u haya waxaan leeyahay Madaxweyne waad ku mahadsan tahay gogosha aad dhigtay waad la daahday ku odhan maayo.
Madaxweyne 200 oo qof oo isku qoys ah oo isku ardaa ah ayaa ku dhintay waxad tidhi Ciidamada ku dhintayna waxay ahaayeen Ciidamo ka kooban beelaha deeganka.
Madaxweyne dhacdadaas 200 qof oo isku ardaa ah oo isku meel ku dhintay waxay la xanuun tahay taad adigu mar walba aad dareento ee xasuusato walaalka oo Gadhi laga turay ku dhintay.
Madaxweyne Ninba yidhi (Xaqna adaa yaqaan xaajana adaan kuu dhiibtay) wixii lagu bogsiin lahaa aday kuu taala madaama ay tahay dawlad deegankii iyo shacbigiisi.”
Xigasho: wariye luqmaan maxamed faarax
Bandhige@gmail.com