Barnaamij ku saabsan Axkaamka Soonka iyo fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan… Diyaarintii: Sh. Guuleed Dalxa
Luuqad ahaan waa ka joogsi laga joogsado cuntada ama hadalka. Caddeyntu innagama foga ee waxa weeyaan aayadda Suuratu Maryam ee Alle isagoo ka sheekaynaya Nebi Sakariye oo odhanaya Alle ayaan ugu nadray inaan soomo. Erey-bixinta Islaamku soomka siisay waa ka joogsi wax kasta oo jabinaya soomka laga bilaabo waabariga illaa cadceed dhaca.
Geed waliba hooskii, hadal waliba madashii, kolkaa dib ayaan ka sheegi doonnaa waxyaabaha jabiya. Hilaadda qarnigii 2aad, bishii Shacbaan ee Hijriga ayaa dhidibbada loo taagay waajibnimada soonka. Ummadihii hore laftigooda way soomi jireen. Aayadda 183aad ee Suuratu al-Baqra Alle wuxuu sheegay in Muslimiinta lagu waajibiyay inay soomaan sidii ummadihii hore ba ay ugu waajibtay. Aayadda waxa ku jirta ‘kutiba’ oo si toos ah u tiraabaysa in ay waajib ku tahay Muslimiinta oo dhan inay soomaan haddii aanay cudurdaar rasmi ah haysan. ( Ereyga ‘kutiba’ waajib ayuu sheegaa kolka uu ku yimaaddo xogaha sugan ee diinta sida caanka ka dhex ah usuuliyiinta).
Ummaddihii hore waynu kala simannahay in la soomo, laakiin waxaan ku kala geddisannahay Bisha Ramadaan oo ummaddan uun ayay gaar ku tahay. Mar labaad, waxa Muslimiinta la faray inay hore ay ka soomaan kolka ay bisha isha ku dhuftaan ba. (al-Baqra, 185aad).
Xogaha sugan waxa ka mid ah hawraaraha aan hallaabi karin ee laga hayo Suubbanihii SCW sida xadiiskii sheegayay in Islaamka lagu dhisay shan; kan shanaad waxa uu ahaa in la soomo bisha Ramadaan. (Bukhari iyo Muslim). Sidoo kale, ninkii Nebiga SCW u yimid ee waydiiyay wixii xaq loogu leeyahay, waxa warcelinta ka mid ahaa inuu soomo bisha Ramadaan. (Bukhari iyo Muslim).
Xukunka qofka diida soomidda Ramadaan
Afka oo loo xidho Alle dartii muddo kooban si dhab ahaantii loo soo bandhigo addoonnimada rasmiga ah waa wax ammaan mudan. Haddaba muxuu noqonayaa xukunka qofka diida soonka kuna gacan saydha waajibnimadeeda? Sida meerisayada gabaygii odhan jiray:
Salaad iyo maxaa iiga dan ah, suxullo maydh-maydh ka
Soon iyo maxaa iiga dan ah caano subax diid ka
Sako iyo maxaa iiga dan ah qaalmo nin kale siinta.
Lasoco qaybta dambe…