Waa badan tahay inta ay bulshada reer Hargeysa ka hadlaan waddooyin xumada ka jirta caasimadda. Hase yeeshee waxa aan iyadana la yaraysan karin – haddiiba aanay ka ba cuslayn – qulqulka biyaha iyo cidhiidhiga biyomareennada hadda jira oo marba marka ka dambaysa saansaankoodu sii xumaanayo siina adkaanayo.
Hargeysa oo inteeda badani ku taal dhul godan ah, dhisme kasta oo soo kordhaaba waxa uu ka qayb qaadanayaa xawaaraha qulqulka biyaha, waxana aan qabaa haddii aan xoogga la saarin qaabaynta iyo habaynta biyomareennada hadda jira, isla markaana aagagga cusub ee la degaamaynayo aan loogu sii talo gelin, in gu’ba ka dambeeya dhibaatada ay qulqulka xooggan ee biyuhu u geystaan mood iyo nool uu sii badnaan doono. War cusubna ma aha in daadadka iliiladaha magaalada dhex maraa ay marar kala duwan galaafteen nafaha dad u badan carruuro.
Haddii aynu isku dayno taxidda dhibaatooyinka qulqulka biyaha magaalada dhex mara xilli-roobaadka, wax aka mid ah:
– Halisgelin iyo hallayn naf iyo hanti.
– Jidadka oo ay burburiyaan
– Ciid iyo dhagaxaan ay soo dhigaan waddooyinka, suuqyada, iyo biymareennada oo buuxsama.
– Qashin badan oo ay wadhaan suuqyada.
– Waddooyinka oo xidhma iyo gaadiidka oo kala socon waayay.
Aniga waxa ay ila tahay arrinkani waa mid wax-ka-qabashadiisu soo daahday, una baahan qorshe degdeg ah. Waxa uu iila muuqdaa, sida ay hadda arrimuhu yihiin, in wax-ka-qabashada arrinkan laga horraysiiyo qorshe kasta oo ku aaddan fidinta iyo samaynta waddooyinka. Maxaa yeelay, sida ay iminka arrimuhu yihiin, waddooyinka uun baa marka dambe isu beddelas biyomareenno ! Kol haddii cid kastaa ay qulqulka biyaha isaga leexiyaan waddooyinka, taasina waxa ay soo dedejisaa burburka jidadka iyo kaabeyaasha kale sida buundooyinka.
Arrintan iyada ahi waa halxidhaale u yaal Golaha Deegaanka ee hadda jooga iyo xubnaha kale ee quuddarraynaya inay timaaddada xilal ka qabtaan.