Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Ayaa Xarunta Wasaaradda Kusoo Gabagabeeyay Kulan Maalmihii U Dambeeyay Uga Socday Xaruntaas

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL,Mudane Maxmed Kaahin Axmed,ayaa xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha ku soo gabagabeyay kulankii maalmihii ugu dambeyay uga socday xaruunta Wasaarada  Gudoomiyayasha Goboladda dalka.

Kulankan oo u dhaxeeyay Wasiirka Arimaha Gudaha  iyo  Badhasaabyada Gobolada ayaa   daarranaa  xaaladaha  Gobolada dalka sidii qiimayn lagu sameeyn lahaa, Waxana diirada lagu saarayay Arimaha Nabad-gelayada maamul daadajinta, Horumarinta adeegyada Bulshada La dagaalanka Mukhaadiaraadka.

Qabyaalada  joojinta Deegaameynta cusub, Ilaalinta Deegaanka iyo Sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta isku xidhka lamaaha dawladda  ee gobolada dalka, Adkeynta iyo Ilaalinta Xeebaha iyo sidoo kale Ilaalinta Duurjoogta.

Wasiirku waxa uu xusay. In dawladda deegaanka Soomalida ee Itoobiya waxyaabihii ay ku heeshiyeen uu  ahaa adkeynta wada shaqaynta nabadgalyada ee  labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha waxa uu faray Gudoomiyaasha Gobolada jaarka la’ah Dalal xadad ahaan Somaliland wadagan In ay xoojiyaan. Shaqaynta Arimha nabadgalyada .iskaashiga Ganacsiga .

Wasiirku waxa uu ka hadlay. Arimaha Kufsiga  waxana uu soo jeediyay Badhasaabyada dalka, In shakhsigii kufsi geeysta la hor geeyo sharciga.