Dabeecadaada ma Bedeli kartaa? (WQ: Bahja Maxamed Ducaale)

Dabeecadaada ma Bedeli kartaa?!

Iska Ilow Dabeecada Xun, Bilow Dabeecad Wanaagsan!!

Sida inaga dhaadhacsan, inaad dabeecad xun yeelato waa ay fududahay lakiin inaad iska masaxdo, oo aad iaka bedeshaa waxay leedahay dhibaatadeeda, ogow dadaalku maha mid meesha ka maqan waa inaad ku dartaa Samir iyo soo jeed, waxa hubaal ah inaad aad yar ka wareegi kartid dabeecadaas.

Haddaad Dabeecad xuntahay sidee ayaad uga wareegi kartaa dabecadaas iyada oo kaa soo go’day inaad iska ilowdo?!!. Haddaba Hadi aad doon-doonayso su’ashaas jawabateed, meel fog haka raadin waxa hubaal ah inay hortaada taalo, bal halkan  si fiican u fiiri(eeg). Talaabooyinka hoos ku qorani waxay kuu hagayaan habkii aad u badeli lahayd dabecadaas.

1. Qeex Hadafka aad u Socoto!!:

Ugu horeyn waa inaad naftaada ka dhaadhicisaa inaad rabtid inay dabeecadani iska tagto. Waa habka ugu wanagsan ee aad kaga tagi kartid dabeecada xun, sideenaba hadynaan ogolaan inaynu leenahay mashaakil, waligaa lagama yaabo inaad Gaadho xalin tooda. Isku day inaad qorto habkasta oo aad raaciso sababta aad u rabtid habkaas inaad ku dhaqaaqdo. Markaa aad ku hubsato meesha aad ku qoraysid, hadda ogsoonow  hababakani diyaar  yahay magac bixiso. Waxaad Hore u dhaqaaqdaba, waxaad u bahanaysa inaad sameysato Hage,Qorshe. Markaad Qeexdo Hadafkaaga, isku inaad ka fogaato khaladaadaka markastana ku noqoto xataa hadad ku qanacday inuu dhamaaday dhinicaasi.

2. Dalbo Caawimo:

Waa inay kaa dhaadhacsanataa inay jiraan waxyaabo baddan oo anad kaligaa xalin Karin, lakiin aad xlin kartid marka aad heshid saxiib ku caawiya. Dabeecad xumada ayaa runtii ka mida kuwaas. Iskaashigu waa habka ay ku socon karaan wax kastaaba marka la joogo dabeecadan.

Markasta waa inaad maskaxda ku haysa inay jiraan dad ku jira isla xaaladan aad marayso hadda.

Kuwaas oo ku cawwin kara dareen ahaan iyo qaab ahaan ba, awoodana inay kor u qadaan rajadada iyo kartidaada, si aad ula mucaamasho dabeecada xun.

3. Isku Bedelka:

Markaad isku dayey inaad dabeecada joojiso, isku buuqa iyo cidhiidhiga aad dareemayso waxay kaaga bi’i karaan adiga oo sameya Isku bedel. Habkan oo ah Habka ilaa hada la hubo ee sidoo kale fududayn kara inaad joojiso dabeecada aad hore u lahayd, ayaa wuxuu inoo sheegayaa in dabeecada aad hore u lahayd aad ku bedeli kartid ama aad dul dhigi kartid midda cusub ee naftadu jeclaatay. Sida Og Mandino “ waxaad ku bedeli kartaa dabeecad adiga oo midka ay naftaadu rabto ku dul qoraya ama ku dul dhajinaya”.

4. Ku xidhnow Hore U Markaaga:

Hore  u marka waa hiikiciye weyn, si ay dadku u joojiyaan dabeecadaha waara iyo waliba ka taxadirida ya dadku mar walba ka dhadhiciyaan nafahooda inanay melena u bixi Karin. Dadkaas oo nafahooda ka ilaaliya inay qufulaan kana ilaaliyaan inay u baxdo meelo ay jeclaysan lahayd.

Waxaynu odha karnaa taasi waxay dhiiri galin u tahay inaad naftaada kusoo koobto aduun aad u yar. Abaal marinta ugu muhiimsan eed naftada siin karta waxay noqon kartaa inaad gaadho meel kuu muqatay mudooyin dheer walina aad ku taami jirtay, haddaba meesha ku muqata yanay noqon meel aad u fog, lakiin marka hore talaabada aad qadaysaa ha ahaato mid yar, oo aad maamuli kartid, talabadaasi wa hubaal inay ku horseedi doonto sidi aad u gaadhi lahayd hadafkaaga. Si laguu cawiyo, ku eekow  Hore markaaga naftaada , ku tijaabi odhahda odhanaysa sidan…….

“haddi ay guushu korto, rajada nafta iyo farxadeedu waxay noqdaan, iftiinka nolosha, Awooda Dabeecada tagoni, waxay ku geyn kartaa Iftiinka Nolosha, tani way fududahay lakiin waa habka aad u beddeli kartid noloshaada.”

Hadalkan Gabo Gabadiisa iyo Gunanadkiisa ayaa ah Halku-dhigan:

“Waxa aad Mar kasta tahay, waxa aad ku celceliso, sareyntuna maaha dhacdo, ee waa dabeecada.”

 

Bahja Maxamed Ducaale