Maanta caalamku xaalad adag ayuu marayaa, ninka in yar uun Illaahay caqli siiyay wuu arkayaa, culumo badan waxay aamin sanyihiin in uu mashaakilkan oo dhan wado Dajjaal, qaarna waxay aamin sanyihiin in ay Dajjaala yar yar wadaan, adigu hadal iyo dhammaantii adduunka waxa qasaaya awoodo qarsoon oo dano kale leh.
Rasuulkeenu SCW wuxu yidhi Dajjaal wuxu sitaa laba salladood mid naar u muuqata iyo mid jano u muuqata. Ta naarta idiinku muuqata gala taasaa jannadii eh. Maanta labadii salladood waa cadaan qofkii in yar oo basiira ah lehna wuu arkayaa. Labadii salladood waa caalamulul Islaami iyo caalamkaa reer galbeedka.
Maanta waad aragtaa caalamul Islaami waxa ka socda dil, burbur, qax, abaaro, shaqo-laโaan iwm, waa taa dhallintii iyo intii garaad gaabka ahayd salladii kale ee Dajjaal doonanaya ee u muuqatay jannada laakiin cadaabta ahayd, nin kuwan dadka madaaradda ku soo dhaweeya ayaa yidhi:
โMarkaan dadkaa wax magaratada ah soo dhaweeyo ee ay la yaabaan dhal-dhalaalka ayaan ka naxaa sidaanay uga warhayn cadaabta gudah taal.โ
Rasuulkeenu SCW wuxuu inoo dardaarmay in aynu salladaa naarta u muuqato galno waa caalamul Islaami eh, maxaa yaal caalamul Islaami waxaa yaal salaad, soon, masaajido, koryeel diineed iwm, laakiin dhallinyarad iyo garaad gaabku ma arkaayo nimcadaas oo dhan, Salladaa janada u muuqata ee naarta ah ee ย reer galbeedka uun baa u muuqato, dhallinyaroo kala dooro labadaa salladood, aday kuu taal cidna ha eedaynina idinka ayaa doorashada leh, labada salladood taad ku dhacaysaan, cid talo kuu haysa iyo waalidkaa midna ha eedayn, waayo qofka bani-aadamku isagaa noloshiisa samaysta dadka kale wax uun bay ku tusaalaynayaan.
Wiil dhallinyar ah oo reer Jabuuti ah ayuu Aabihii Maraykan waxbarasho ugu diray, wiilkii ayaa muddo ka bacdi Aabihii la soo hadlay markaasuu ku yidhi:
โAabu waan iskaga imanayaa Maraykanka.โ
Aabihii ayaa yidhi:
โMaxaa dhacay.โ
Wiilkii ayaa ugu jawaabay:
โAabo Eedaan ayaan maqli waayay.โ
Aabihiina waa ka aqbalay, bal wiilkaas caqligiisa eega iyo Aabahaas, wuxu arkay salladii naarta ee Dajjaal.ย Wiil dhalinyaro ah oo aanu isku xaafadnahay ayaan waydiiyay sababta dhallint ku kalifaysa in ay hallaagaa u badheedhaan wuxu iigu jawaab waxay doonayaan in ay shahwaadkooda soo gutaan, waa salladaa naarta ah ee Dajjaal.
Allaahuma hal balaqtu fash-had, Illaahow ma gaadhsiiyay, ka markhaati noqo.
Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com