Dhacdadii Lagu weeraray Richard Burton iyo kooxdii la socotey 19th April 1855: Q.1aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Waxa aay ahaayd saqdhexe cabaaro intii u dhaxaaysey labadii ilaa saddexdii habeenimo; waxaase I kiciyey qayladii Balaayoyuus oo ka mid ahaa shaqaalahayagii, waxaanu ku meeno haabayey “waark-a ka caay! colbaa ingu haabsadee”. Waxaan maqlaayey sawaxanka coddeed ee aay samaaynayaan kabaha kooxda na soo weerartey, waxaanay noogu dul haabsadeen sidi ii roob duufaana oo ufo iyo dabaayl xoogan wata. Aniguna iyadoo aan dayaaysan ahay ayaa si kama ah aan hurdadii uuga booday, waxaanan haab-haabtey hubkaaygii ama qorigaaygii oo aan iga dheeraayn, waxaanan kooxdaydii uugu baaqay in aay dagaal galaan oo aay difaacooga xidhaan. Balse arintu waxa aay ahaayd ciyigii waa ka baryam oo waa nalaga gacan horeeyay, waxaanan u eegnahay kimis daawaha saaran oo la sugayo inta aay bilsaan doonto.

Waxaana soo weeraraay 350 nin oo ku hubaaysan warmo, tooryo iyo gaashaankoodii. Boqol iyo kontan nini waxa aay ahaayeen farasyada kuwa ku dagaalama, laba boqol iyo kontona waxa aay ahaayeen ciidanka lugta ku dagaalama, kotonka kalena waxa aay ahaayeen falaaydh -laay. Ciidankan na soo weeraray waxaa water Aw Cali dheere oo reer Axmed Nuux ahaa. Ciidamadan laba iy0 toban waxy aay ahaayeen Makaahiil sooca, shan iyo tobana waxaay ahaayeen Garxajis, 323 kallna waxa aay ahaayeen ciyaal Axmed Nuux iyo Ciise Muuse. Waxaana naloo sheegay markii uu Aw Cali dheere oo kooxda watey uu gacantiisa ku gawracay Mihir Stroyan in uu xidhey Aw Cali Balkii geesinimada ee baalka gorayada.

Maalin sabtiya toddabadii bishii afraad 1855kii, ayaanu safar cadan aan uugu maqnayn ka soo laabaney oo aan soo galey Berbera,. Waxaanan wadney sahamin xaga dhulka Somalida oo aanu uugu baxaayno ilaa Ogaadeeniya. Habeenimada aanu Berbera soo galnay suuqeedu waxa uu ahaa mid xaami ah oo waxaa safnaa laba safar oo ka kala timid Harar iyo Ogaadeeniya. Bucsharadaha labadan Safar aay kala siden Aad baby u kala duwanaayeen. Waxaa marsada taagnaa oo soo xidhay doonyo aad u fara badan kuwaasi oo la ciirciiraya bucsharado fara badan oo safaradan ku kala doorsanaayay badeecadahay aay wadeen.

Safarka Harar ka yimid bucsharadaha uu soo waariday waxaa ka mid ahaa 500 oo adoona kuwaasi oo iskugu jirey wiilal iyo gabdhaba. Habeenkii badhtankiisa waxaad maqlaaysey iibsadaha iyo iibiyaha duryankooda. 500 ee adoonta ah waxaa lagu soo bandhigey carwo suuqa badhtankeeda ah waxaana loo safay saf-saf. Adoontani waxy aay u ee kaayeen kuwo aad u qurrux badan oo sifiican aay u soo xanaaneeyeen bayacmushtarka waty si aay suuq fiicsan uugu helaan oo aay sixir fiican u gooyaan.

Aawrta safaradii yimid ayaa safaf dhaadheer ku jira, qaar waa la rarayaa, qaarna badeecadahii aay sideen baa laga rogayaa. Suuqu waa xaami oo dad iyo ganacsato badan oo dibadaha ka yimid ayuu la ciirciirayaa ushii cirka looganaana dhulka kuma dhacaayso oo madax madaw iyo mid cad oo carbeed iyo hindi badan ayaay magaalada Berbera la ceeryoontey. Wax aay Somalida reer guuraagi ahi ku hubaaysan yihiin min laba waran, gaashaan iyo hal bilaawe, waxaana la sheegay in aay budhcad wax boobasaa magaalada marsadan aay ka dhawdahay oo heegan buuxa ayaay dadka deegaankani ku jiraan si aay iskaga difaacaan budhcada rabta in aay safarada dhacaan.

Guri Somaaliyada qaar baa la rarayaa oo dad wax aay u hayaamayaan dhinaca hawdka oo waxaa soo dhow xilligii bad xidhankaq ee aay magaalada la faaruqin jirey oo meelaha qaarkood waxaa daadsan cawsyadii iyo huubihii ka soo go,ay kabadaha iyo hararada aqal Soomaaliga, hareeraha meelahaa laga guurayana waxaa ku baahsan gubadkii dabaska ee saddexda dhadhaar ee dheryaha wax lagu karsado loo qaabeeyay.