Baarlamaanka Soomaalilaan Haddii ay gobolnimada Gabiley diidaan u daran hadday yeelaana u daran. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Maadaama oo ay mucaaradku haystaan aqlabiyadda golaha Baarlamaanka Soomaalilaan, waxa dhici karta inay diidaan ansixintiisa. Haddii ay taasi dhacdo waxa mucaaradka lagu shaambadayn doonaa inay diideen gobolnimadii Gabiley. Waa haddii ay qaataan fikirka sal-fudaydka ah ee xukuumadda ku xumee aan dhaafin, oo waxyaabo badan mucaaradka ka kharibay. Taasina waxa ay mucaaradka ka leexin doontaa inay helaan 88 kun iyo dheeraadka cod ee gobolkaasi taal.

= Haddii ay yeelaan oo ay ansixiyaana way u daran tahay, oo waxa guusheeda qaadanaya xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye. Waxa ay toos ugu shuban doonaan hadal la’aan 88 kun iyo dheeraadka cod ee gobolka yaalla.