Waxyaabaha fududeynaya dib u qabsashada ciidanka Qaranka Soomaalilaan ee gobolka Sool. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Dagaalkii Gacanka ee Saddaam Xuseen ay ku qaadeen xulufadii reer galbeedku horkacayey ee lagaga saarayey dalka Kuweyd sannadkii 1990-kii. Saddaam xoog ayuu ahaa oo khasaare badan ayuu soo gaadhsiiyey xulufadii. Hasayeeshee duullaankii uu Maraykanku ku qaaday sannadkii 2003-dii si fudud ayaa meesha looga saaray. Waxa fududeeyey cunaqabateyn culus oo dhaqaalihiisii dhulka la simay.

= Sidaasi oo kale huwanta gobolka Sool joogtaa, dhaqaale xumo iyo nolol xumo weyn ayaa haysaa 9 bilood ee ay Soomaalilaan ka maqnayd.

= Gurmad beelaysan oo uga iman jiray Itoobiya meesha ayuu ka baxay, oo Itoobiya waxa ay Kililka Shanaad ee Soomaalida ka caydhisay wixii lug ku lahaa huwanta gobolka Sool, ka dib markii uu dhacay heshiiskii is-af-garad ee ay wada galeen Soomaalilaan iyo Itoobiya.

 

= Ciidanka duullaanka qaadaya oo tiro ahaan badan. Waxaana lagu qiyaasay 50 kun oo Milatariga Soomaalilaan ah iyo 4 kun oo ah Maleeshiyada Macawisleyda Habar jeclo oo deegaabka aqoon fiican u leh.

Dhammaan arrimahaasi waa kuwa keenaya in si fudud gobolka gacanta loogu dhigo.